Muqdisho (Xogsoor Media.Net): –Waxa goor dhawayd oo caawa ah toogasho lagu dilay Cali Nuur Shuute oo ahaa Aabbaha dhalay guddoomiyaha maxkamada derejada koobaad ee ciidamada Soomaaliya Col Xassan Cali Nuur Shuute.
Wararka dilka marxuumka laga helayo,ayaa sheegaya in dablay hubaysan oo aan la aqoonsan in ay gurigiisa weerar ku qaadeen oo gudaha u galeen ka bidba ay Marxuumka rasaas oodda kaga qaadeen oo ku toogteen gudaha gurigiisa laakiin waxay wararku intaa ku darayaan in marxuumka nolol guriga lagaga qaaday laakiin uu toogashadii u geeriyooday markii cisbitaalka la geeyay.
Toogashada marxuum Cali,ayaa ku soo beegantay maalin ka dib markii Col. Xasan Cali oo ah guddoomiyaha maxkadda ciidamada derajada koobaad ee Soomaaliya la hor keenay eedaysaneyaal ku eedaysan qarixii isgoyska Soobe oo dad badani ay ku dhinteen oo kiiskooda qaadayo isla markaana uu bishan gudaheeda u muddeeyay dhegaysiga kiiska eedaysaneyaasha oo afar ka mid ah la horkeenay Maxkamadda.
Dilka Col Xasan aabbihii ayay dad badan oo si dhaw ula socda waxyaabaha ka socda Soomaaliya ku tilmaameen in ay tahay farriin cad oo ku socota garsoorayaasha Maxkamadaha kala duwan ee la hor keeno eedaysaneyaasha loosoo qabto faldambiyeedyada kala duwan.
Dilka Marxuumka ma jirto illaa hadda cid sheegatay.
Xogsoor Media.Net