Culimada Muqdisho oo Dawladda Farmaajo Faray Qodob Fulintiisu ku Adagtay

0
437

Muqdisho (Xogsoor Media): – Qaar ka mid ah Culimada waawayn Muqdisho,ayaa si adag uga hadlay in ay dalka Soomaaliya joogaan oo ay ku sugnaadaan ciidamo aan dawladda Soomaaliya lahayn kana amar qaadan,waxaanay  xukuumadda Soomaaliya ugu baaqeen in ay si deg deg ah ula wareegto cid kasta oo ciidan ah oo Soomaali ah oo ku sugan deegaanada ay ka taliso gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Hadalka culimada ayaa ka dambeeyay ka dib markii weerar lagu qaaday guriga Xildhibaan Cabdi Qaybdiid la sheegay  ciidanka weerarka ku qaaday in ay yihiin ciidan Soomaali ah oo ka amar qaata dawladda Imaaraadka Carabta oo ciidankaas tababarta.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah hay’adda Culimada Soomaaliya ayaa wada si wada jir ah uga  hor yimi jirintaanka ciidamo aan ka amar qaadan dowladda oo ka howlgala gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

‘’Waaa xaaraan in ciidan aan aheyn kuwa dowladdu in hub ay ku dhex heystaan magaalada Muqdisho, safaarad ciidan u gaar ah sameysan kartaana ma jirto, arintaasi waxay dhaawaceysaa Qarannimada Soomaaliyeed, ciidanka la leeyahay Imaraadka ayeey la shaqeeyaan waa in deg deg loogu wareejiyaa dowladda Soomaaliya ayuu yidhi’’ Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlayay shir saxaafadeed ay labada sheikh wada jir ugu qabteen Muqdisho.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad dhinaciisa sheegay in culimada Soomaaliyeed meel cad iska taageen sida uu hadalka u dhigay xaalada siyaasadeed ee dalka Soomaaliya , isagoo sheegay in dowladda federaalka looga baahan yahay in ay maamusho ciidamada kala duwan ee ku sugan dalka.

Culimada hadalkooda ayaa noqonaya in ay dawladda fareen qodob ay fulintiisu ku adagtahay xukuumadda Muqdisho oo ah in ay la wareegto dhammaan ciidamada kala duwan eek u sugan caasimadda Soomaaliya ee Xamar kuwaasoo meelo kala duwan ka diiwaan gashan isla markaana la sheegay in ay jiraan ciidamo ay safaaradaha Muqdiso uga furan dalalka safiiradu ka joogaan in qaar ka mid ahi ay leeyihiin ciidamo Soomaali ah oo iyaga ka amar qaata isla markaana ay gacanka ku hayaan maamulistooda halka la sheegay n ay jiraan ciidamo kale oo Soomaali ah oo ku jira saldhigyo aan waawaynayn oo Millatari oo dalalkaasi ciidan Soomaali ah oo aan gacanta dawladda ku jirn ay ku tababaraan.

 

 

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Ofice

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here