Hargeysa(Xogsoor Media.Net):-Guddoomiyaha maxkamada degmada Hargeysa Cabdirashiid Maxamed Xirsi Beergeel,ayaa faah faahin ka bixiyay kiisaskii ugu layaabka badnaa ee sanadka hadda galbaday soo maray,ayaa sheegay in ay soo mareen kiisas guud ahaan bulshada Soomaaliad geeska afrika deggan iyo dalalka afrikaba in loo baahan yahay in ay wax ka bartaan garsoorayaasha Somaliland ee kiisaskan ku cusub ka garnaqa Maxkamadaha ee ay qaadeen in wax laga barto.
Gudoomiye Cabdirashidi Beergeel oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sidoo kale soo bandhigay xadiga dhaqaalaha ka soo xarooday kiisaskii kala duwanaa ee sanadkii 2017-ka soo maray maxkamada.
Ugu horayn gudoomiye Cabdirashiid Beergeel oo ka hadlaya dhacdooyinka ugu layaabka badan ee soo maray maxkamada ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan
“Kiisaska gaarka ah ee soo maray maxkamada degmada Hargeysa ee mucjisada ahaa ee ay bulshaduna u baahnayd in wax laga qabto waxa ka mid ahaa
- Ilma todoba habeen jira oo uu dafiray kii lagu sheegayey ee la lahaa wuu dhalay, markii ay labada dhinac isku qabsadeen ee la kala bixi waayey waxaanu u dirnay DNA-da taas oo xaqiijisay in kii ka murmayey uu ahaa boqolkiiba boqol kii dhalay, kaas oo maxkamduna ku go;aan gaadhay iyada oo maxkamadu raacday shareecada islaamku wixii ay ka ogolayd.
- Ilma toban sano jiray oo isagana laysku qabsaday oo inankii la sheekaystay inanta ee gacantu kaga dhacday uu yurub tegay, markii uu soo noqday ee kiiskii la furay waxa la qaaday DNA-da hooyadii, aabihii iyo ilmihii maxkamaduna go’aan ayey ka gaadhay waxaana loo raacay shareecada islaamka, qawaaniinta iyo technology-yada DNA
- Waxa kale oo jiray wiil 16 jir ah oo laba qolo isku qabsadeen kaas oo maxkamaduna go’aan ka gaadhay.
Kiisaska mucjisada ku ah gayiga Somaliland iyo geeska Afrika ee aan hore loo qaadin waa in lagaga daydaa garsoorayaasha Hargeysa jooga ee illaahay hawshaas u sakhiray.
Sidoo kale gudoomiye Cabdirashiid Beergeel ayaa ka hadlay dacwadaha soo maray maxkamada degmada Hargeysa waxaanu yidhi “Isku gayn tirada guud ee kiisaska ciqaabta ee maxkamada soo galay waxay ahaayeen 1001, waxaana dhamaaday 992 kiis, waxaana hadhay oo lagu guda jiraa 9 kiis, kuwaas oo ahaa dacwadaha ciqaabta ah ee maxkamada degmada Hargeysa ka garnaqday sanadka 2017.”
Sidoo kale Gudoomiye Cabdirashiid Beergeel ayaa soo bandhiga qaar ka mid ah waajibaadka ay u xil saaran tahay maxkamada degmada Hargeysa waxaanu yidhi ““Sida aynu wada ognahay magaalada Hargeysa waxa ku nool dad gaadhaya hal milyan, dadkaas ayaanay maxkamadu u xil saaran tahay inay u garqaado iyada oo qodobo gaar ah iyo dacwado gaar ah u xilsaaraan, qodobka 7aad ee xaarka habka madaniga ah ayaa sheegaya dacwadaha ay u xilsaaran tahay oo ay ka mid yihiin dacwadaha khuseeya xaaladaha gaarka ah, fulinta wixii ku dhex bislaada maxkamadan ee awoodeeda ah dib ayey ugu soo noqdaan, haddii laga racfaan qaato oo maxkamada sare ay tagaan oo ay dib ugu soo noqdaana waa maxkamada fulisa go’aamadeeda, waxa kale oo ay qabataa qaan sheegadka sadexda milyan ah iyo wixii ka yar, waxa kale oo ay u xilsaaran tahay dembiyada wixii ka yar sadex sano.”
Ugu dambayn gudoomiye Cabdirashiid Beergeel ayaa soo bandhigay xadiga lacagta ka soo xarootay dacwadaha soo maray maxkamada waxaanu yidhi “Kiisaskaas waxa ka soo xarooday dakhli iskugu jira doolar iyo lacagta somaliland ah, waxaana ka soo xarooday lacag somaliland ah oo gaadhaysa 434,011,595 (Afar Boqol iyo Afar Iyo afaryo Sodon Milyan, koobyo toban kun iyo shanboqol iyo shanyo sagaashan shilin oo somaliland ah) marka la barbar dhigo dacwadaha kale ee iyagana cashuurta lagaga xareeyey lacagta doolarka sida dacwadaha cadaynta lahaanshaha hantida ma guurtada ah waxa ka soo xarooday $63,839.
Haddaba halkan ka daawo warkaas oo muuqaal ah
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland