Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici,ayaa qudbad ka jeediyay shirweynaha lixaad ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja oo maanta Hargeysa ka furmay.
Saylici,ayaa ku dheeraaday waxyaabaha looga baahan yahay qofka suxuiga ah iyo in ay lagama maarmaan tahay in aqoonta suxufiyiibta kor loo qaado oo ay dalka u soo baxaan mihnadleyaal saxaafada aqoon badan u leh.
Waxaa kaloo uu intaa ku daray in loo baahan yahay in wariyuhu dhawro xuquuqda dadka kale oo dhan isla markaana aanu cidna ku xadgudbin sharaftiisa isagoo gudanaya waajibaadkiisa shaqo.
Haddaba halkan ka daawo qudbada Madaxweyne ku-xigeenka oo dhammaystiran.