Cabdi Qeybdiid oo Sheegay in Ciidamo dal kale ka Amar qaataa Weerareen Gurigiisa MuQdisho

0
580

Muqdisho (Xogsoor Media.Net): – Senator Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid oo shir jaraa’id ku qabtay,ayaa sheegay n ciidamada gurigiisa soo weeraray ay yihiin ciidamo dal kale ka amar qaata oo  lagu tababaro Muqdisho isla markaana taliyaha ciidanka Soomaaliya uu sheegay in ay baadhayaan ciidanka gurigiisa weerarka ku soo qaaday iyo cidda amarka bixisay.

Waxaanu intaa raaciyay in uu isagu qabo in ciidanka dawladdu soo weeraray laakiin lagu war geliyay in ciidanka gurigiisa hawlgalka weerar ku soo qaaday loo sheegay in ay yihiin ciidan ka amar qaata dawladda Imaaraadka oo Muqdisho ku tababarta.

Qaybdiid oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidho‘’ Markii uu falku dhacay waxaa uu soo wacay Ninka lagu magacaabo Saadiq Joon oo ii sheegay in ciidamada Gurigeyga soo weeraray ka tirsanaayeen ciidamada uu Imaaraadku  tababaro ee ku sugan Muqdisho’’

 

Waxaanu intaa raaciyay isagoo hadalkiisa sii wata ‘’Koley Annigu ciidamada dowladda ayaan u aragnaa ciidamada soo gallay Guriga, waxaa halkan noogu yimid taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo sheegay in ay baadhayaan falka dhacay’’

 

Weerarada shaqsiyaadka siyaasadda Soomaaliya ku jira ee caanka ah ayaa muddooyinka dambe ku soo badanayay magaalada Muqdisho waxaanu noqonayaa weerarka xildhibaan Cabdi Qaybdiid kii labaad ee noociisa ah ee lagu beegsado xubin siyaasi ah oo gurigiisa la weeraro.

Waxaana ka horreeyay siyaasi Cabdishakuur Cabdiraxmaan ooh ore ciidanka dawladdu gurigiisa weerar ugu qaadeen xilli habeenimo ah isla markaana isagana ku dhaawaceen dhawr qof oo ilaaladiisa iyo dirawaliisii ahin ay ku dhinteen.

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafagaab@hotmail.com

Hargeisa Ofice

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here