Hargeysa (XOGSOORMEDIA.NET):-Xukuumada somaliland ayaa maanta olole balaadhan ku qaaday qaybo ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan caasimada Hargeysa.
Ciidamada booliska somaliland oo fulinayey ololahan ayaa timaha ka jaray dhalinyaradii ku sugnaa suuqa weyn ee caasimada Hargeysa, kuwaas oo la arkayey iyaga oo eryanaya dhalinyaro badan oo ka cararay markii ay arkeen qorshaha ay wadaan ciidamadu.
Ciidamada booliska ayaa si qasab ah ku fulinayey talaabadan oo aan ilaa hada la xaqiijjin cida amartay ciidamada, iyada oo qaar ka mid ah dhalinyarada ku sugnayd caasimaduna ay dareen taban ka bixiyeen talaabada ay ciidamada amaanku ku beegsanayaan dhalinyarada la baxday timaha.
Dhinaca kale
xukuumada ayaan ilaa hada ka hadal sababaha keenay in ciidamada lagu amro talaabadan ay timaha kaga xiirayaan dhalinyarada ku sugan caasimada Hargeysa.
Dhalinyarada ayaa baraha bulshada ku kulanto ku soo bandhigaya dareeno la xidhiidha sida ay uga soo horjeedaan talaabada ay saaka bilaabeen ciidamada amaanku, kuwaas oo fariimo u diraya madaxda ugu saraysa ciidamada.