Daawo Suug Ganacsi iyo Meherado Ku Shuf Beelay Dab Baaxad Weyn oo Xalay ka Holcay Degmada Wajaale

0
592

Wajaale(Xogsoor Media):- Dab aad u baaxad weyn oo geystay qasaare hantiyeed oo aad u badan ayaa xalay ka holcay degmada Wajaale oo ah xarun ganacsiyeedka Somaliland ugu weyn isla markaana ku taalla soohdinta ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya.

Masiibada dabkan oo aan geysan qasaare nafeed ayaa baabiisay meherado ganacsi oo kala duan isa markaana isugu jiray bacadleyaal,bakhaaro,istoodho,dukaamo iyo meherado kale.

Waxaanu dabkani bilaabmay xalay niskii dambe xilli la hurdo taasoo sababtay in xalay la xakamayn kari waayo oo uu ku fido waybo badan oo meheradaha uu baabiiyay ah.

Waxaana gurmadka daminta dabkaas oo aad u baaxad waynaa ay ka kala gurmadeen Gabilay,Boorama iyo Hargaysa oo ay intaba ka tageen gaadiidka iyo ciidanka dab-damiska waxaa kaloo gaadhay degmada Wajaale Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan,taliyaha ciidanka Dab-damiska sarreeye Guuto Axmed Sawaaxili. guddoomiyaha gobolka Gabilay,maayerka degmada Gabilay.

Waxaa kaloo gurmadka dab daminta ah  si weyn uga qayb qaatay dhammaan dadweynaha kala duwan ee degmada Wajaale iyo ciidamka qaranka ee deggen magaalo xuduudeedka Wajaale.

inkastoo la sheegay in ay halkaa ku shuf beeleen meherado kala duwan oo tiradooda lagu qiraasay in ay tahay ku dhawaad boqol meheradood oo kala duwan hadan wali lama qiyaasi karo baaxadda qasaarada uu geystay iyo hantida ku gubatay.

Haddaba halkan ka daawo dabkaas iyo siduu ku saameeyay suuqa uu gubay iyo hadaladii masuuliyiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here