Xukuumadda Somaliland oo dalka ka Saartay Maamulkii hore ee Iskuulka Nile Academy Ee Turkiga Mid Cusubna Ku Wareejisay

0
561

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Xukuumadda Somaliland ayaa dalka ka maamulkii hore ee isguulka Nile Academy Ee Turkiga oo  dawladda Turkigu la xidhiidhisay in uu leeyahay ama maalgaliyo wadaadka Fadxulaahi Gulan oo lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay inqilaabkii dhicisoobay ee lagu doonayay in lagu afgambiyo Madaxweyne Erdogan.

Wada hadal u socday dawladaha Turkiga iyo Somaliland xilligii kala guurkana u bilaabmay ayay labada dawladood isla qaateen in maamulkii hore ee isguulkaas laga saaro Somaliland isla markaana dugisga lagu wareejiyo urur samofal oo ka jira dalka Turkiga oo dhanka waxbarashada ka shaqeeya isla markaana dawladda dalkaasi aqoonsantahay.

xukuumadda cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi markii ay xilka la wareegtay ayay wasaaradda waxbarashadu isguulkaa kala wareegtay maamulkii hore isla markaana la faray in ay dalka ka baxaan,iyagoo saaka dalka laga dhoofiyay.

Waxaa kaloo ay isla maanta wasaaradda waxbarashadu isguulkaa ku wareejisay maamul cusub oo ah urur samafal oo ka dhisan dalka Turkiga.

Dawlaha Turkiga iyo Somaliland ayuu u bilaabmay xidhiidh wada shaqayneed oo heerkiisu gaadhsiisan yahay xidhiidh dhaw oo dhex mara labada Xukuumadood taasoo sabatay in ay iskaga soo dhawaadaan sidii hore isla markaana isguulkan maamulkiisa hore ee dawladda Ankara ay eedaynaysay in Somaliland lagga saaro.

Haddaba halkan ka daawa wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo isguulka ku wareejinaysa maamulka ururka samafalka ah ee ka jira dalka Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here