“Kuwaan Leeyahay Way Qaldan Yihiin Maaha Qaar Muuse Magacaabay Waa Xukuumadayadii oo Dawladnimaday Ku Ciyaarayaan.” Cabdilaahi Cukuse

0
477

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Wasiirkii hore ee Xannaanada Xoolaha Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse,ayaa dhaliilo u jeediyay siyaasiyiin duray kulan qado sharaf ahaa oo ay isugu yimaadeen xubnihii wasiiradii Xukuumaddii Madaxweyne Siilaany.

qado sharaftaas oo uu u sameeyay Madaxweynihii  dhawaan xilka wareejiyay ee ay xukuumaddiisa ka tirsanaayeen oo ku qabsoontay Jirde Hotel  Hargeysa oo siyaabo kala duwan looga hadlay ayuu sheegay in ay iyagu is casuumeen isna casuumi doonaan isla markaana ay iyagoo shicib ah casuumadda loo sameeyay.

Waxaa kaloo uu aad u dhaliilay Hantidhawraha guud ee Qaranka oo uu sheegay in uu dawadniada ceebeeyay oo uu maalin kasta TV-ga soo fadhiyo oo uu ka hadlayo isagoo sheegay in uu ka mid ahaa Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo isla markaana uu kusime yahay oo aanu hantidhawre buuxa ahayn.

Haddaba halkan ka daawo Cabdilaahi Cukuse oo arrimahaa ka hadlaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here