“Doorashadii Somaliland Cidda Dhacdayna Waa Kulmiye Cidda Soo Baxdayna Waa Kulmiye in Loo Kala Gurmadana Way U Baahan Yihiin.”Siyaasi Siciid Sulub

0
468

“Doorashadii Somaliland Cidda Dhacdayna Waa Kulmiye Cidda Soo Baxdayna Waa Kulmiye in Loo Kala Gurmadana Way U Baahan Yihiin.”Siyaasi Siciid Sulub

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):-Siyaasi Siciid Sulub Maxamed oo ka mid ah xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI,ayaa sheegay in cidda ku soo baxday doorashadii Madaxtoyada Somaliland iyo cidda ku dhacdayba in ay yihiin xisbiga KULMIYE,waxaanu intaa ku daray in loo baahan yahay in look ala gurmado Kulmiyaha dhacay iyo Kulmiyaha soo baxay.

Siyaasi Siciid Sulub ayaa sidoo kale ka hadlay kulankii ay iskugu yimaadeen wasiiradii hore ee xukuumadii Siilaanyo, isaga oo ku baaqay in ergo dhex dhexaadisa xukuumadii hore iyo xukuumadan cusub loo diro xisbiga Kulmiye.

Ugu horayn siciid Sulub oo dardaaran u jeedinaya madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa uu yidhi “Madaxweynaha cusubi mudo ayuu u soo halgamayey inuu kursiga sare tago waanu tagay balse kursigu fashil ayuu leeyahay, waxaanan ku odhan lahaa kursiga haku fashilmin bahalku marka lagu sii socdo waa la jecel yahay marka la tagana si kale ayuu noqdaaye, Soomaaliduna waxay ku maah maahdaa guurku marka hore wuu sino dhuuban yahay marka dambana wuu balaadhan yahay, siyaasada, xukunka iyo taladuna waa sidaas oo nin walba way la fududahay marka lagu sii socdo balse marka dembana way ku balaadhataa.”ayuu yidhi siyaasi Siciid Sulub oo u waramay Eryal TV.

Siyaasi Siciid Sulub oo dardaaranka madaxweynaha cusub sii wada ayaa intaas raaciyey “Waxaan odhan lahaa calool adayg same oo isbedel taariikhda kuu gala same oo lagu ilaawo wixii hore ee xumaa ee faraha badnaa ee ina soo maray.”

Siyaasi Siciid Sulub oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in la kala dhex galo wasiirada xukuumadii hore ee Kulmiye iyo xukuumada cusub ee xisbigaasi waxaanu yidhi “Waan arkayey isla maalin kaliya laba gole oo kale jiray oo isla kulmiye ah, xukuumadii hore ee Kulmiye iyo xukuumadii dambe ee kulmiye oo midna uu casuumay safiirkii inoo joogay imaaraadka oo ku hadlaya magaca madaxweynihii hore midna uu casuumay madaxweynaha cusubi Muuse Biixi, anigana layaab badan igumay ahayn sababtuna waxa weeyaan doorashadii dhacday cida dhacday waa Kulmiye cida soo baxdayna waa Kulmiye, xukuumadii hore ee Kulmiye ayaa dhacday xukuumad cusub oo Kulmiye ahina way soo baxday waxaanad moodaa inaanay xukuumadii hore waxba u hanayn xukuumada dambe, iyada oo magaca madaxweynihii hore wax lagu casuumayo wasiiradiisii oo sidii ahina ay hadlayaan  waxyaabaha dalka ka khaldan ayey ka mid tahay in mar kasta Kulmiye iskugu filnaado mucaarid iyo Muxaafidba, waana waxyaabaha lala yaaban yahay, waxaanay ahayd in xukuumadii hore meesha ka baxdo ta cusubina hawl gasho, waxaanad moodaa inaanay xukuumadii hore meesha ka bixin tii cusbaynaydna aanay wali hawl galin.”

Ugu dambayn Siyaasi Siciid Sulub ayaa ku baaqay in guddi dhex dhexaadin ah loo diro xisbiga Kulmiye “Mucaaridkii iska hadh oo Waddani iyo Ucid way iska hadheen oo way u haneeyeen Kulmiye laakiin waxay u baahan tahay haddii aanay Kulmiye isku hanaynayn in la dhex galo oo loo diro ergo dhex gasha ayey aniga ila tahay.”

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abfgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here