Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Jabhadda ka dagaalanta dalka Yemen ee Xuutiyiinta dagaalkana kula jirta dawladda sharciga ah ee caalamku aqoonsan yahay ee dalkaas oo hadda Xarunteedu ay tahay caasimadda labaad ee dalkaas ee Cadan,ayaa Somaliland hawada u soo marisay hanjabaad ka dhan ah.
Kooxda Xuutiyiinta oo dagaal kula jirta isbahaysiga dawladaha carbeed ee Sucuudigu hoggaaminayo,ayaa Somaliland ugu baaqday in ay ka noqoto heshiiska Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo kula gashay dawladda Imaaraadka Carabta in ay saldhig Millatari ka samaystaan madaarka Berbera.
Waxaanay intaa ku dareen haddii ay ka noqon waayaan heshiiskaas in ay gantaalo ku weerari doonaan Somaliland.
Haddaba Muuqaal kooban oo kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ay soo galiyeen Youtubka halkan hoose ka daawo