Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabd iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,ayaa wada yeeshay kulan laba geesood ah oo ku qabsoommay qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Kulankan oo Madaxweynaha Somaliland ku qaabilay madaxda sare ee Xisbiga WADDANI oo uu hioggaamiyo Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo ay ku weheliyeen madax sare oo xisbiga ka mid ah,ayaa dhanka Madaxweynahana ay kulanka ku wehelinayeen Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.
Labada dhinac syaa isla qaatay in danta qaranka laga wada shaqeeyo isla markaana isku laab xaadhay kulanka ay maanta wada yeesheen.
Kulanka ka dib waxa saxaafadda la hadlay Xuseen Axmed Caydiid oo u hadlay Xisbiga Waddani waxaanu yidhi” Maanta oo ay bisha Diseenbar 24 tahay waxaanu Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka iyo Tiimkiisii oo Kulmiye ah ugu nimi Madaxtooyada, in aanu isku aragno Waddani ahaan iyo Xukuumadda xisbiga Kulmiye, islaab xaadhasho uun iyo sidii arrimaha qaranka looga wada shaqayn lahaa ayuu daarnaa kulankani, iyadoo dhinac waliba uu leeyahay waajibaadkiisii gaarka ahaa xisbiga Waddanina doorkiisii leeyahay hadana sidii arrimaha qaranka looga wada shaqayn lahaa baan ku kulnay.
Wax badan oo qaran ahaan inoo wada sameeyey oo mucaarid iyo muxaafid aan la kala lahayn ayaa jira oo laga wada shaqaynayo, mucaarid iyo muxaafid aan la kala lahayn, ayaa jira oo laga wada shaqayn karo kolay taas ayuun bay ku saabsanayd iyo islaab xaadhasho runtii ummaddana fariinta aan u diraynaa tahay si Xisbiga waddani doorashadii go’aankii hore ee uu ka qaatay uu yahay keedii, Xukuumaduna ay iyaduna asluubteedii yeelayso dul qaadkii laga rabayna ay u yeelato doorkaa mucaaradeed, Saxaafadana dulqaad u yeelato mucaaridka dulqaad u yeelato, arrimahaasi oo runtii aanu si wanaagsan isugu afgaranay qarankan iyo mashaakilaadka taagana aanu iska waraysanay guud ahaan, waana kulankii koobaad wixii arrimo qaran ah in laga wada shaqeeyo waa laga balamay”.
Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isna ka hadlay ayaa yidhi “Waxa maanta isu yimi Madaxweynihii Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne ku xigeenka Madaxda Xisbiga Kulmiye iyo Xisbigii Waddani runtii waa Madaxdii ugu awooda badnaa dalka, sidaa uu sheegay Xuseen Axmed Caydiid, waxaanu ku heshiinay maadaama ay xanaftii Doorashadu inaga dhammaatay, in dantii qaranka laga wada shaqeeyo, Xisbiyada Mucaaridka iyo muxaafidkuba, hawlo badan baa inoo yaala runtii aan ku eekayn uun doorashadii Madaxtooyada in aan si wada jira uga wada shaqayno runtiina ay mucaaridku noqdaan muraayada aan isku daawanayno oo ah kuwa na toosinaya, xisbiga mucaaridka mar walba waxa uu yahay muraayada laysku eego ee marwalba tallo iyo tilaam wixii shaqadaasi ka qaloocma toosinaya, waxaan ku heshiinay in si qaranimo oo wax dhisida oo mucaaridad wax dhista ah ay u shaqeeyaan iyaguna oo ay balan qaadeen anaguna aanu dul qaad u yeelano dhaliilaha naloo soo jeedinayo ama toosinta, mucaaridadu maaha dumis inay dadku khalad u fahmaan maaha, waxay qaateen inay dalkii dhisaan oo toosiyaan oo xukuumadii maanta dhisantahay wixii dhaliila ama shaqo ka leexda ay ku toosiyaan annaguna waxaanu balan qaadnay in aanu dul qaad u yeelo toosintooda iyo tilmaantoodaba hawlaha inoo yaalana aan si wada jira uga wada shaqayno mudada dhow, waxanay maanta ahayd kulan kii koobaad wada hadalkii ku furmay”
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland