“Ciyaalka dadka baadha Jeelal aan ka Burco ahayn ayaan u diraynaa’Laydhkii magaalada waxaa kooto looga dhigay shirkad keliya oo siday doonto yeelaysa dadweynuhun wixii la wada lahaa iyaga qudhooda ayaa burburinaya.”Guddoomiye Ramaax
Burco(Xogsoor Media.Net):- Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa sheegay in xildhibaanada golaha deegaanka degmada Burco ay gabeen shaqadoodii isla markaana ay kaga mashquuleen waxyaabo kale oo ka baxsan hawihii bulshadu u dooratay,waxaa kaloo uu dhaliil u jeediyay shirkadda adeegga laydhka Burco bixisa oo uu sheegay in ay kooto ku haysato laydhkii magaalada isla markaana ay ka gaabisay in ay waddooyinka magaalada siraaddo xilliga habeenkii.
Waxaa kaloo uu dadweynaha ku dhaliilay in aanay ilaashanin waxa umaddu wada leedahay oo ay iyagu bur buriyaan,waxaanu farriin u diray guud ahaan waalidiinta magaalada Burco oo uu ku boorriyay in ay ubadkooda ka adkaadaan oo ay ka war hayaan wiilashoodu halka ay ku maqan yihiin iyo waxa ay ku maqan yihiin.
Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu khadka taleefanka ku siiyay degelka wararka ee Xogsoor Media.Net isagoo ku sugan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Ugu horrayn guddoomiye Ramaax oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay dadweynaha magaalada oo ka cabanayay ammaan darro iyo falal budhcadnimo ah oo dhallinyaro kooxo kooxo ahi ay habeenkii ku baadhaan dadweynaha isla markaana dawladda hoose ku eedeeyay in ay magaalada laydhadh ku xidhi wayday waddooyinka,ayaa ku jawaabay. “horta wiilasha dhallinyarada ah ee budhcadnimada iyo baadhashada dadka habeenkii caadaystay tallaabo ayaanu ka qaadaynaa waanan ka hawl gelaynaa mana ogolaanayno in magaalada ay ammaan darro ku ridaan oo habeenkii cabsi tuugta awgeed ah loo socon kari waayo waxaanan u diri doonaa xabsiyo aan Burco ahayn oo ay ugu sokayso Gar-adag,waxaanan waalidiinta u soo jeedinayaa in ay wiilashooda ogaadaan halka ay ku magan yihiin xilliyada ay guryahooga ka maqan yihiin iyo waxay soo qabtaan waalid aan ilmihiisa ogaynna hadhaw nooma soo caban doono oo ka aqbali mayno ciddii falalka noocaas ah lagu soo qabto in la yidhaahdo waxbarasho ayuu ku maqnaa iyo imika ayuu guriga ka soo baxay,kuray suuqa dadka ku boobaya oo aanay walaashii ka baxsanayn waalid ka daba yimaadda ka ogolaan mayno,ta laydh la’aanta waxaa sabab u ah laydhkii magaalada waxaa kooto ku haysata shirkad keliya oo siday doonto ka yeesha iyadoo aan bixin cashuurtii ku waajibtay oo qiimahay doonto ku iibisa laydhka ayay hadana waddooyinka magaalada shidi wayday waxaanan farayaa in ay waddooyinka xaafadaha laydhadh habeenkii ah ku xidhaan waxaa kaloo aan u sheegayaa dadweynaha magaalada Burco in ciddii doonaysa in ay shirkad laydh ka hirgeliso magaalada in ay soo gudbisan karaan codsigooda oo aanay dib cidna kooto ugu xidhnaanayn. Waxaa kaloo aan dawladda hoose farayaa in laydhkii Sollarka ahaa in ay waddooyinka ku xidhaan oo ay ka shaqaysiiyaan,midda kale dadweynaha cabanaya qudhoodu qayn ayay ka yihiin laydh la’aanta magaalada o laydhadhkii waddooyinka lagu xidhay dadkaa jajabiyay markaa in madaw laga cawdo oo hadana laydhadhka la jajabiyo oo la ilaashan waayo waa dhibaato kale anigu garan maayo waxa dadkeena madawga jeclaysiiyay ee waxaan u soo jeedinayaa in waxa la wada leeyahay la wada ilaashado waddooyinka magaalada waa la siraadayaa.”
Guddoomiyaha oo ka jawaabayay,su’aal laga waydiiyay in khilaaf ka dhex taagan yahay golaha deegaanka oo xildhbaano golhaas ka tirsani ay eedo u jeediyeen Maayerka iyo ku-xigeenka oo lagu eedeeyay in ay shaqadii loo doortay ka mashquuleen,ayaa yidhi.”horta golayaasha deegaanka ee dalka waa laga wada cabanayaa laakiin dhibaatadu waxay ka taagan tahay xildhibaanada golaha deegaanka ee Burco iyaga ayaan shaqadoodii garanayn oo mid waliba wuxuu sitaa fayl dhul oo aan sharciyaddiisu u saxnayn oo ay iyaga dhexdoodu isku khilaafsan yihiin waanay kala cabanayaan nin markaa isagu sita fayl aan sharci ahayn oo hadana cabanaya isaga ayaa qaldan markaa iyagii ayaa ka mashquulay wixii dadweynuhu u doorteen oo aan garanayn waxay xildhibaanada ku ahaayeen waxay ahayd in ay baahiyaha degmada ka shaqeeyaan oo ay ku daba galaan shirkadan laydhka ee aan waddo keliya siraadin oo ay maayerka iyo ku-xigeenka iyo xoghayaha ka shaqaysiiyaan oo ay iyagoo isku duuban dadkii soo doortay u adeegaan laakiin haddii ay kala socdaan oo midba dhan fayl ula ordayo dee maayer iyo ku-xigeen keliyi waxba ma qaban karayaan midda kale shaqada xildhibaanaduba waxaad moodaa in ay imika noqotay shir jaraa’id iyo TV laga hadlo loomana dooran war iyo TV laga hadlo ee in ay dadkii codkooda siiyay o adeegaan ayay ahayd markaa iyagana waxaan leeyahay dadkii idin soo doortay u adeega oo magaalada horumarkeeda ka shaqeeya markaasaad wax qaban karaysaane.”
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland