Dagaal Beeleed Puntland Dabada Ka Riixayso oo ka Qarxay Gobolka Sool

0
563

Laascaanood(Xogsoor Media.Net):- Dagaal beeleed ay dabada ka riixayso Puntland ayaa markae ka qarxay deegaanka lagu magacaabo Xoorre oo u dhaw deegaanka Gumburka Cagaarre oo laba maalmood ka or ay ku dagaalameen laba beelood oo kasoo kala jeeda Somaliland iyo Puntland oo halkaa ood wadaag ka a.

Dagaalkan maanta dib uga blaabmay deegaanka Xoorre ayaa la seegay in ay weerarka soo qaadeen maleeshiyo beeleed ka soo jeeda Puntland oo ay dabada ka riixayso isla markaana taageeto ka helaya maamulka Puntland.

Dagaalka ayaa la seegay in ay ka qayb qaateen gaadiidka dagaalka Puntland oo gacan siinayay maleesiyada dhanka Puntland ka soo duushay.

Wararku waxay intaa ku darayaan in dagaalka ay ku dhinteen ugu yaraan illaa 6 qof oo ka tirsan maleeshiyo beeleedyadii dagaalamay waxaa kaloo la sheegay in ay jiraan dad kaloo badan oo ku dhaawacmay.

Wararku waxay intaa ku darayaan in dagaalku illaa galinkii dambe ee maanta uu socday isla markaana la isula durkay dhanka gobolka Nugaal o la iska baxay gobolka Sool.

Waxaanay wararku intaa raacinayaan in madaxweynaha Maamulka Puntland in uu ku sugan yahay degmada Burtinle oo u dhaw deegaanka galinkii dambe ee maanta uu dagaalku ka socday.

wixii wararka soo kordha kala soco Xogsoor Media.Net

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here