“Silsilado lagu Xidhxidhayay Soomaalida laga soo tarxiilay Mareykanka

0
595

Maraykanka(Xogsoor Media.Net):-Xubin ka tirsan golaha Congress-ka Mareykanka ayaa dowladda ugu baaqay in ay baadho dhibaato la sheegay in loo geystay 92 qof oo Soomaali ah oo tarxiilkoodii uu fashilmay.

Keith Ellison, oo matala degmo ka tirsan gobolka Minnesota oo ay deggan yihiin Soomaalida ugu badan ee Mareykanka ku nool, wuxuu qoraal uu soo saaray ku sheegay in laanta socdaalka  ee Maraykanku in ay  silsilado ku xidh-xidhay dadkii lasoo tarxiilay ee dib loogu celiyay Mareykanka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay “in loo diiday cunto, dawo iyo qalabka nadaafadda.

Idaacadda Minnesota ee MPR ayaa ku warrantay in diyaaraddii dadkaasi siday ay duushay 7-dii Desembar, balse ay dib ugu noqotay Miami, maalintii xigtay.

Waxay idaacadda baahisay in duullimaadka uu qaatay 40 saacadood oo ay ka mid tahay 23 saacadood oo diyaaradda ay ku sugnayd caasimadda Senegal ee Dakar.

Warbixin ay maxkamad u gudbiyeen qareenada u doodaya Soomaalida xidhan, ayaa lagu sheegay in 92-da qof la garbo-duubay, gacmahooda iyo lugahana ay katiinado ku xidhnaayeen muddo 48 saacadood ah.

Mr Ellison wuxuu laanta socdaalka ka dalbaday in ay 48 saac gudahood kaga ka jawaabto su’aalo badan oo ay ka mid tahay, maxay diyaaraddu ugu noqotay Mareykanka?

Laanta socdaalku  waxay sheegtay in diyaaraddu ay ku noqotay Mareykanka ka dib markii “ay heli wayday meel ay ku nastaan shaqaalaha sababo la xidhiidha xaalado ka dhashay hoteelkooda Dakar”, MPR ayaa sidaas ku warrantay.

Sidoo kale, waxay hay’addu beenisay eedaha ku saabsan tacaddiga, waxaanay sheegtay in qofna aanu dhaawacmin intii uu duullimaadka socday.

Waxay isku difaacday in badqabka 92-da qof ay ka shaqeynayeen shaqaalihii diyaaradda la socday.

Sidoo kale waxay ku doodeysaa in 61 ka mid ah lagu helay dembiyo, sida “dil, kufsi iyo dembiyo kale oo halis ah”.

Qareen sharaxay sababta loo soo tarxiilo dhallinyarada Soomaalida ee Mareykanka

Qareennada u doodaya waxay heleen go’aan maxkamadeed oo mamnuucaya in dadkaasi la mustaafuriyo illaa 8-da bisha January ee soo socota.

Xeer ilaaliyuhu  wuxuu amray in kooxda, oo lagu hayo xabsi ku yaalla gobolka Florida, la siiyo daaweynta aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin haddii uu wax dhaawac ah soo gaadhay,” idaacadda MPR ayaa sidaasi baahisay

Xigasho BBC-Somali

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here