Wasiir Caddaani oo Xilkii Wareejiyay iyo Shaqaale Waynaha oo Qiray Guulihii Waxqadkiisa

0
693
Caddaani oo noqday wasiir aan qof isaga ka socda shaqaalayn mudadii uu joogay iyo wasiirkii ugu horreeyay ee Haaf Milyan Dollar qasnada qaranka ku shubay

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo wacyigelinta  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax(Guraybarwaaqo) iyo Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Maxamed Muuse Abeed,ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay.

Munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen guud ahaan shaqaaleweynaha wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland,abwaano aqoonyahano madaxda ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja iyo marti sharaf ayaa  lagu qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta ayaa xilka wasaaradda lagula kala wareegay.

Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta Somaliland oo xilka wasaaradda soo hayay muddo laba sano ah ayaa ka waramay marxaladihii wasaaraddu ay soo martay mudadii uu joogay iyo hawlaha u qabsoomay waxaanu tilmaamay in wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta markii uu xilkeeda la wareegay ay ka jireen arrimo badan oo caqabad ku ahaa habsami u socodka shaqada ay qaranka u haysay oo ay ka mid ahaayeen shaqaalaha oo ay ku jireen shaqaale wasaaradda muddooyin badan ka shaqaynayay oo aan wax mushahar iyo gunno ah aan midna qaadan jirin oo uu xuquuqdoodii shaqaalenimo u hirgaliyay,shaqaale kala duwan oo isku shaqo ah oo kala xuquuq duwanaa oo uu simay iyo arrimo aanay la,aantood shaqadu socoteen oo uu fuliyay sida TV-ga qaranka oo sadex dal kala yaallay oo  uu meel isugu geeyay.

Waxaa kaloo uu noqday wasiirka xilka wareejiyay wasiirkii ugu horreeyay ee wasaaradda warfaafinta soo qabta ee qasnada qaranka ku shuba lacag  xaddigeedu dhan yahay haaf milyan Dollar iyo dheeraad Wasaaradu qaybna soo saartay qaybina ay ka soo hadhay lacago ku bixi jiray qaybnta satalaydka TV-ga qaranka.

Wasiir Caddaani oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “Wasaaradda warfaaqintu waxay qaranka u haysaa masuuliyad aad u muhiim ah oo ay ka mid yihiin wacyigelinta illaalinta iyo horumarinta dhaqanka wargelinta bulshada gudaha iyo dibeddaba,maaweelada iyo madadaalada. Mar waa baraa oo macalin ayay bulshada u tahay hadday carruur tahay iyo dad waaweynba oo halabuurkii iyo suugaantii ayay gudbinaysaa. Mudadii aan joogay wasaaradda oo laba sano bil ka dhiman tahay duruufihii aan la kulmay oo aad u badnaa haddaan soo koobo waxaa ka mid ahaa,waxaa jiray duruufo  kala duwan oo shaqaalaha wasaaradda haystay oo ay ugu waynayd gunno yari,qaar badan oo bilaa mushahar ah oo soo shaqaynayay inta u dhaxaysa 20 sano illaa sadex sano oo aan waxba qaadan jirin,kuwo mushaharka iyo guddooyinka ay qaataan aya kala badnaayeen oo aan sinnayn iyagoo isku shaqo ah,waxaa kaloo jirtay in TV-ga qaranku uu kala yaallay sadex dal oo kala duwan oo kala ahaa Israa’iil,Tailand iyo Somaliland taasoo marka ay duruufi timaado ama ay waxyar oo cilad ahi ay dhacdo ay kugu adkaanaysay sida aad markiiba u saxdo intaad sadexda meelood isla helayso,waxaa kaloo jirtay dhibaato wayn oo ka taagnayd dhanka mishiinada oo madaxda iyo dhammaan shaqaalaha wasaaraduba ay wadnaha farta kaga hayeen tolow mishiinku shaqada caawa ama berry muu idiin wadi taasoo haddii ay cillad yar u fadhiistaan sababaysay in ay raadyawga iyo Tv-guba in ay hawada ka baxaan.”

Wasiir Caddaani oo ka hadlayay lacag adag oo wasaaraddu intii uu joogay ay ku shubtay qasnada dawladda iyo meelaha ay ka soo baxday iyo inta ay dhammayd,ayaa yidhi. “waxaanu wasaaradda Maaliyada gelinay oo aanu u celinay labada sano ee  aanu joognay 509360 Dollar(shan boqol iyo sagaal kun iyo sadex boqol iyo lixdan Dollar oo kasoo kala baxday lacag ka soo hadhay satalaytka TV-ga iyo qandaraasyadii aanu helaynay. Waana markii ugu horraysay taariikhda qaranka Somaliland ay jirtay ee wasaaraddu lacag qasnada dawladda ku shubto hadday tahay tii BBC-da iyo hadday tahay VOA.-da. Waxay rag waawayni igu yidhaahdeen intaad xaraysanayso lacagta intaa leeg maad guri ku dhistid,waxaan ku idhi carruurtaydu guri xaaraan ah geli mayso.”

Intaa ka dib wuxuu wasiir Caddaani caddeeyay in uu garab taagan yahay oo uu la shaqaynayo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi isagoo caafimaad iyo cimri dherarna ALLE uga baryay Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo qoyskiisa.

Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta Cabdiraxmaan guri barwaaqo,ayaa madaxweyne muuse uga mahad naqay xilka uu u igmaday isla markaana ballan qaaday in halkaa uu woo gaadhsiiyay wasaaradda wasiirkii hore in ay ka sii wadi doonaan “marka hore waxaan  aad ugu mahad naqayaa Madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka oo xilkaa ii igmaday waxaanan ballan qaadayaa halkaa wasiir caddaani soo gaadhsiiyay in aanu  kasii wadi doonno aniga iyo wasiir ku xigeenkayguba,wasaaradda xidhiidh ayaan la lahaa oo dad badan oo aanu is naqaano ayaa jooga inta kalena waanu is baran doonaa halkaas ayaynu hore uga sii soconaynaa.”

Waxaa kalo halkaa ka hadlay wasiir ku-xigeenka cusub iyo madax waaxeedyada kala duwan ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta madaxda ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja,abwaanno iyo aqoonyahan kale oo munaasibadda xil wareejinta ka qayb galay.

Waxaanay madaxda kala duwan iyo shaqaalaha wasaaradda ee xafladda ka hadlay dhammaantood uga mahad naqeen wasiirkii hore ee wasaaradda Caddaani oo ay qireen in uu yahay wasiirkii kula baxay hirgalinta simidda xuquuqda shaqaaleweynaha wasaaradda Caddaali waxaa kaloo shaqaalaha waaxyaha kala duwan ee wasaaraddu ay wasiirka hore ku maamuuseen billado iyo shahaado sharafyo waaxyaha kala duwan ee wasaaraddu ay ku sagootiyeen.

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here