“Somaliland Isku Heli Mayso in ay Dalka Sheegato iyo In Dadka Dawlad Kale Ku Dul Disho.” Jiif Caqil Cabdi Xasan Nuur
Kalabaydh(Xogsoor Media.Net):- Jiif Caqil Cabdi Xasan Nuur oo ka mid ah Madaxdhaqameedka gobolka Sool,ayaa Xukuumadda Somaliland ugu baaqay in ay dadkeeda difaacdo isla markaana dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Gumburka Cagaarre oo ka tirsan gobolka Sool ku eedeeyay in ay qayb ka tahay Puntland oo uu sheegay in ay ciidamadeedu ku jiraan dagaalka oo la safan yihiin beelo deegaan ahaan ka soo jeeda Puntland oo duunaan ku soo qaaday beeshiisa sida uu yidhi.
Waxaanu intaa raaciyay in Somaliland dalka ay sheegato oo ay dawlad ka ahaataa in ay ku xidhan tahay sida ay dadka uga difaacdo duulaan kaga yimaado maamulo iyo dawlado kale.” Somaliland isku heli mayso in ay dalka sheegato iyo in dadka shacabka ah dawlad kale ku dul disho,maanta dadkayagii waxaa laynaa oo ku soo duulay ciidankii Puntland oo kasoo kala gurmaday gaalkacayo iyo madaxtooyada Garoowe waxaanay duulaan ku soo qaadeen dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah iyagoo duulaan iyo dhul boob ah markaa ciidanka Somaliland ee dhawrka KM noo jira waxaa looga fadhiyay in ay dadkooda difaacdaan oo aanay nagu daawan tiknikada Puntland.”
Caaqilka ayaa intaa ku daray in dagaalku uu yahay mid lagu soo qaaday beeshiisa oo dhulkooda lagu doonayo in lagu qaato isla markaana ay taas dhimasho ka xigaan,waxaa kaloo uu intaa raaciyay in 5 qof oo dagaalka maanta ka dhacay Gumburta Cagaarre oo 4 ka mid ahi ay beeshiisa yihiin midna dhinaca kale uu ka soo jeeday in caawa lagu aasay degmada Kala Baydh ee Gobolka Sool.
“Dagaalku wuxuu ka dhacay Gumburka Cagaarre oo ka tirsan gobolka Sool oo Somaliland ah oo beesha Bahararsame ay degto deegaan ahaan waxaana soo weeraray beelo ka soo jeeda deegaanka Puntland oo dagaalka bilaabay waxaana halkaa lagu soo weeraray dad xoolo dhaqato ah oo reer miyi ah,dagaalkana waxaa dabada ka riixaysa oo wadda oo ciidankeedii Madaxtooyada iyo kuwo kale oo Gaalkacayo ka soo gurmaday soo dirtay Puntland,waxaana dagaalka maanta ku dhintay dhankayaga 4 qof dad kaloo dhaawacyo halis ahi ay soo gaadheenna way jiraan oo loo qaaday dhanka magaalada Laascaanood waxaana caawa degmada Kala Baydh lagu aasay 5 qof oo dagaalkaas ku dhintay oo afar ka mid ahi ay dhankayaga yihiin iyo mid dhinaca kale ah oo xagan loosoo qaaday.”ayuu yidhi Caaqilka oo u warramay Xogsoor Media.Net isagoo ku sugan magaalada Kala Baydh.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland