Xeer ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya oo Danbi ku soo oogay laba xildhibaan Warbaahintana Hanjabaad u Diray
Muqdisho(Xogsoor Media.Net):-Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya Axmed Cali Daahir,ayaa dambi ku soo oogay laba xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya isla markaana waaxda dambi baadhista iyo ciidmada booliska Soomaaliya faray in ay tallaabo ka qaadaan.
Xeer Illaaliya guud oo kulan warbaahineed ku qabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,ayaa sheegay in labada xildhibaan ee uu dacwada ku soo oogay in ay galeen dambiyo kala duwan oo lid ku ah qarannimada Soomaaliya isla markaana ay sameeyeen kicin dadweyne isagoo intaa raaciyay in ay dalal shisheeye u adeeyaan oo ay lacago kaga soo qaateen sidii ay dalka khal khal u gelin lahaayeen.
Waxaa kaloo uu digniin adag u diray warbaahinta oo uu sheegay in ay qoraan warar aan xeerka Saxaafadda Soomaaliya waafaqsanayn oo baalmarsan isla markaana ay tallaabo ka qaadi doonaan.
“Waxaan uu gudbinay guddoonka baarlamaanka Golaha shacabka iyo Baarlamaanka intaba Qoraal cadeynaya Xildhibaannada galay fal dambiyeedka sida abaabul sharci darro ah, Qaran dumis iyo in dalal shisheeye ay arintaa dhaqaale uga soo qaateen, islamarkaana cadeymahoodii la hayo’’ ayuu yidhi xeer ilaaaliyaha Qaranka.
Xeer Illaaliye. Axmed,ayaa dalbaday in Xildhibaannada kala ah Xasan Macalin Maxamuud iyo Cabdi Saabir Nuur shuuriye laga qaado Xasaanadda si loo horgeeyo sharciga.
”Waxaa waayadan aad u soo badatay in Warbaahinta qaarkood ku kacaan falal xad gudub ku ah qawaanniinta dalka ama aqoon darro ha u geyso ama ku talagal ha noqoto loogumana dulqaadan doono, hay’addii Warbaahineed ee arintaa lagu helana tallaabo laga qaadi doono.”
Waa markii ugu horraysay ee Xeer Illaalinta Soomaaliya ay dalbato in xasaanada laga qaado mudaneyaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya isla markaana ciidamada Booliska ay farto in ay tallaabo ka qaadaan xildhibaanno.
Xogsoor Media.Net
Xogsoormedia24@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland