Addis-ababa(Xogsoor Media.Net):- Raysal-wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn,ayaa ku hanjabay in ay dawladdiisu tallaabo ka qaadi doonto ciddii ka dambaysay dil-wadareed lagu laayay dad Soomaali ah oo ka dhacay deegaanka qoomiyadda Oromada.
Hadalka Raysal-wasaaraha Itoobiya oo lagu baahiyay TV-ga dalkaas ayaa sheegay in dadka Soomaalida ah “lagu laayay xero boolis dhexdeeda”.
Wuxuu ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday gobolka Jirro ee maamulka Oromada Itoobiya.
Sida wararka ay sheegayaan, waxaa halkaasi lagu dilay “in ka badan 100 qof”, balse Raysal-wasaaraha ma sheegin tirada rasmiga ah ee la dilay. Laakiin Hailemariam Desalegn wuxuu carabka ku adkeeyay in dhibaato badan ay ka dhacday goobta.
Wuxuu dhacdada ku tilmaamay “dil wadareed ka dhan ah dad shacab oo Soomaali ah”, kuwa dilka geystayna wuxuu ku tilmaamay dembiilayaal.
Raysal- wasaaraha Itoobiya ayaa xaqiijiyay in guddi loo saaray arrinta si ay u soo baadhaan ka dibna wuxuu sheegay in waxa sharcigu uu ka qabo lagu qaadi doono kuwa dembigu ku caddaado.
Sidoo kale. waxaa la shaacin doonaa sida dhibaatadu ay u dhacday iyo dadka geystay, sida uu sheegay Hailemariam Desalegn, Raysal-wasaaraha Itoobiya.
In kastoo weli cabsi badan ay ka dhex jirto labada qoomiyadood ee Soomaalida iyo Oromada Itoobiya, hadana waxaa la geeyay ciidammo aad u badan meelaha ay rabshaduhu ka dheceen.
Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku eedeysay ismaamulka Oromiya dhimashada ugu yaraan 60 qof oo ay sheegeen in ay ahaayeen dad maxaabiis ah.
Madaxa xafiiska arrimaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Idiris Ismaaciil ayaa BBC u sheegay in markii dadkaas la laayay ka dib lagu riday meel god ah.
Rabshadaha dilalka sababay ee dhex marayay qoomiyadaha Oromada iyo Soomaalida Itoobiya,ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo noq noqonayay dalka Itoobiya,iyadoo dad badani ay ku dhinteen labada dhinacba.
Waxaana jirtay in marar badan ismaamulada labada dhinac in ay ka hadleen isla markaanaya ay sheegeen inay wax ka qabanayaan qalalaasaha labada qoomiyadood u dhexeeya.
Waxaase markii dambe soo baxayay warar kale oo labada Ismaamul deegaan uu midba ka kale ku eedaynayo in uu rabshadaha qayn ka yahay
Dilkan ugu dambeeyay ee lagu laayay dadka Soomaalida ah ayaa la sheegay in xreo booliis uu ka dhex dhacay.
Xigasho BBC-Somali