Muqdisho: Siyaasi Farmaa La Tartamay oo Ciidanka Dawladdu Gurigiisa ku Weerareen iyo Qasaaraha ka Dhashay

0
458

Muqdisho(Xogsoor Media.Net):-Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ahaa siyaasiyiintii u tartamay xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo dhaliilay hadalkii Xeer Illaaliyaha Guud ee Soomaaliya  dambiyada ugu soo oogay laba Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,ayaa caawa gurigiisa uu ka deggen yahay magaalada Muqdishi ciidanka Dawladdu weerar ku qaadeen.

wararka laga helayo weerarka guriga Siyaasi Cabdiraxmaan lagu qaaday ayaa intaa ku daraya in ciidanka Nabad Sugidda Soomaalina in ay caawa weerar ku qaadeen guriga siyaasigani uu ka degen yahay caasimadda Soomaaliya ee  Muqdishi isla markaana uu halkaa dagaal ka dhacay ay iskaga hor yimaadeen ilaalada siyaasiga gurigiisa la weeraray iyo ciidankii nabad sugida ee duulaanka ahaa.

Wararku waxay intaa ku darayaan in weerarkaas uu ka dhashay qasaare dhmasho oo soo kala gaadhay labada ciidan isla markaana siyaasi Cabdiraxmaan,uu halkaa ku dhaawacmay.

Wararku ma xaqiijin in siyaasigu markii uu dhaawacmay ka dib I la qabtay iyo in uu ka badbaaday ciidanka nabad sugidda Soomaaliya ee soo weeraray.

Weerarka siyaasigan ayaa ka dambeeyay ka dib markii uu maanta si wayn u dhaliilay xeer illaaliya dawladda Soomaaliya oo soo saaray dalab uu doonayo in xasaanada lagaga qaado laba mudane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo uu sheegay in ay galeen dambiyo qaran dumisnimo ah.

Siyaasi Cabdiraxmaan oo hadalkii Xeer illaaliya Soomaaliya markii uu soo baxay wax yar ka dib baraha bulshada ku faafiyay siduu u arko tallaabada Xeer illaaliyuhu qaaday,ayaa ku yidhi qoraalkiisa. “Maalmo ka hor waxaa lagu soo duulay Federaalka oo la damcay in la dumiyo, waase la difaacay. Tani waa isku daygii labaad oo tiirkii Dimoqoraadiayada in la dumiyo la rabo. Xildhibaanka Ha la ceejiyo, Xasaanada ha laga qaado waa duullaan niyad jab ka muuqdo”lama garanayo illaa hadda sababta siyaasigan loo weeraray xilli habeenimo ah gurigiisa iyo cidda amarka weerarkan bixisay mana jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay dhankiisa iyo masuuliyiinta dawladda Soomaaliya midnaba.

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here