Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed,ayaa munaasibadii uu xilka kula wareegayay quus ka muujiyay in wasaaradda loo magacaabay in ay waxqabdka laga filan karo la timaado.
Axmed Muumin,ayaa sheegay in wasaarada loo dhiibay aanay lahayn miisaaniyad u qalabta oo ay ku shaqayn karto waxaanu intaa ku daray in ay tahay meel madhan oo aan wax bajad ah lahayn isla markaana taasi ay meesha ka saarayso in wasaaraddu waxqabad la timaaddo.
Hadalka Wasiirku wasaaradda uu la wareegay uu quusta kaga muujiyay halkan hoose ka daawo.