Madaxweynaha Turkiga Oo ku Dhawaaqay In uu Qudus u Aqoonsaday Caasimadda Falastiin Kana Furayo Safaarad

0
481

W/wararka(Xogsoor Media.Net):- Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dalkiisyu safaarad uga furayo bariga magaalada Qudus Safaarad  dalkiisu halkaas ku yeesho oo uu ku leeyahay dalka Falastiin.

Hadalka Madaxweynaha Turkiga ayaa muujinaya sida hoggaamiyeyaasha Islaamku uga xun yihiin  go’aankii uu ku dhawaaqay Maaxweynaha dalka Maraykanka ee  uu ku sheegay in uu magaalada Qudus u rarayo Safaaradda dalka Maraykanka ee  Israa’iil una aqoonsanayo caasimadda dalka Israa’iil Qudus.

Madaxweynaha Turkiga ayaa hore Israa’iil ugu sheegay in ay tahay dal argagixiso ah oo laaya carruurta yar-yar ee reer Falastiin.

 

Khudbad uu jeediyey ayuu ku sheegay Mr Erdogan in horeba ay halkaas uga furnayd qunsuliyad uu wadankiisu ku leeyahay.

Magaalada waxaa gacanta ku haysa Israa’iil oo ku tilmaanta caasimadeeda aan la kala qaybin karin, lamana hubo sida uu arrintan u hirgalin doono Mr Erdogan.

Hogaamiyaha Turkiga wuxuu hore u cambaareeyey talaabada uu madaxweynaha Maraykanka ku doonayo inuu safaaradiisa ugu raro Quddus, uuna ugu aqoonsanayo caasimadda Israa’iil.

Todobaadkii hore ayaa shir madaxeed ay isugu yimaadeen dalalka islaamka waxay ku baaqeen in beesha caalamku ay u aqoonsato bariga Quddus inay tahay caasimadda Falastiin.

 

 

Source:-BBCsomali

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia.com@gmail.com

Xogsoormedia.24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

 

Hargeisa Ofice

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here