Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Duulaanka Maskaxda: waa muxaadaro ka digaysa duulaanta tacliinta reer galbeedku soo waarido isla markaana farriin cad u diraysa madaxda iyo masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada.
Muxaadaradan oo ah mid aad u qiimo badan isla markaana qaawinaysa waxbarashada reer galbeedka iyo sida ay u tahay mid la isku gumaysto oo aan ogolayn in qofku xof ka noqdo aragtidooda iyo waxay aaminsan yihiin ayaa ah Muxaadaro mudan in aad loogu dhug yeesho lagana qaato talooyinka ku duugan.
Muxaadaradan oo cinwaankeedu uu yahay Duulaanka Maskaxda waxaa inoo soo jeedinaya Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun.
Waana Muxaadaro uu muddo ka hor ku qabtay Caasimadda Hargeysa laakiin aan u aragnay in ay mudan tahay in umadda mar walba loo gudbiyo isla markaana la dareensiiyo in ay jiraan siyaabo badan oo kala duwan oo reer galbeedku ugu foogan yihiin in ay umadda Islaamka ah u gumaystaan.
Haddaba daawasho wacan Muxaadaradan iyo soo jeedintii Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun ALLE miisaanka xasanaadka sheekha ha ugu daro Innagana ha inaga dhigo kuwii ay anfacdo.
Xogsoor Media.Net
Xogsoormedia24@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hageisa Somaliland