Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Wasiirkii hore ee wasaarada caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye,ayaa noqday masuulkii ugu horreeyay ee eedaymo u jeediya Madaxweyne Muuse Biixi isla markaana ku eedeeyay in amar uu sheegay in lagu xidhay xubno ka mid ah qoyskiisa iyo laba baabuur oo uu hawl Laascaanood ugu diray in uu ka yimi Madaxweyne Muuse Biixi.
Waxaa kaloo uu sheegay in markii uu arrintaa maqlay in uu kala hadlay taliyaha qaybta booliska Sarreeye Gaas Cabdilaahi Fadal,laakiin wuxuu intaa raaciyay in taliyuhu kusoo war celin waayay taleefankana ku jaray dhawr goor.
Eedaha uu dr Xaglotoosiye u jeediyay madaxweyne Siilaanyo waxaa isna dhankiisa waxba kama jiraan ku sheegay in ay xidheen xubno qoyska wasiirka ah taliyaha qaybta booliska Togdheer.
Wasiir Xaglatoosiye oo ka hadlay xadhigan uu sheegay in qoyskiisa lagu xidhay,ayaa yidhi.“Aniga ayaa laba baabuur u diray xaga laascaanood kuwaas oo reerkayga qaaday odayaalna ka soo qaadayey, hadana reerkaygii meel la geeyey kama war hayo, baabuurtii, darawaladii iyo askartii la socotayba waxa lay sheegay inay ku xidhan yihiin taliska qaybta, markii lay soo sheegayna waxaan
la hadlay taliyaha ciidanka booliska cabdilaahi fadal waxaanu igu yidhi waan kugu soo celinayaa, markii uu igu soo celin waayeyna dhawr jeer ayaan la hadlay mararka qaarna wuu igu dhigay intii ka dambaysayna wuu ila hadli waayey.”ayuu yidhi wasiir Xaglatoosiye oo la hadlay bulshotv.
Dr. Xaglatoosiye ayaa sheegay inaanay jirin wax dhib ah oo u dhaxaysay madaxweynaha cusub ee somaliland, waxaanu tilmaamay inaanu garanayn sababta keentay xadhigan waxaanu yidhi “Walaahi garan maayo, madaxweynihii hore ee aniga I magacaabay Axmed Maxamed Siilaanyo aad ayaan ugu mahad celinayaa waxa uu ahaa madaxweyne weyn oo ay taariikhdu dhigi doonto, madaxweynaha cusub ee Muuser Biixi saaxiib ayaanu ahayn dhibaatana nama dhex oolin, waanad arkayseen inaan u ololaynayey waxaanan u arkayey inuu ahaa xal daleed, markaa wax dhibaato ah oo dhexdayada yaalay aniga iyo Muusaha cusub may jirin, wax baabuurtayda iyo reerkayga lagu qabsadayna garan maayo kolayna wakhtiga ayaa sheegi doono.”
Sidoo kale wasiir Xaglatoosiye ayaa sheegay inuu xadhiga qoyskiisu xidhiidh la leeyahay amar ka yimid madaxweynaha waxaan yidhi “Aniga iyo madaxweyne Muuse Biixi laba nin oo badaw ah ayaanu nahay saaxiibna waanu nahay, dawlada uu dhisayna waxba hada ka sheegi maayo waanan ugu hambalyeynayaa laakiin isaga ayaa la waydiinayaa waxa lagu haysto baabuurtayda iyo qoyskayga, waxaanay arintaasi u badan tahay inay xaga madaxweynaha ka timid.
Dhinaca kale Taliyaha Qaybta booliska gobolka Togdheer oo arrimahaa ka hadlay ayaa yidhi gaashaanle dhexe Cabdi Cali Xayd “Waxaanu tagney kaantaroolka magaalada Berbera laga soo galo ee Burco, waxaa isa-soo-taagey laba baabuur oo Hard Top ah, oo lanbar Somaliland shicib ahi ku xidhan yahay oo midi yahay, 64312, 72346, islamarkaana ay saaran yihiin saddex askari iyo laba dirawal, dirawaliintii gaadiidkan waday waanu soo dejiney oo waxaanu ku nidhi baabuurtani maxay ahaayeen? Waxaaney ku jawaabeen waa gawaadhidii wasiirka wasaarada caafimaadka, waxaanu waydiinay ma gaadiid gaar loo leeyahaybaa mise waa baabuurtii dawlada? Noomay kala caddeyn oo wax ducuments ah oo gaar loogu leeyahay namey tusin” ayuu yidhi taliye Xayd.
Cabdi Cali Xayd waxa uu sheegay in sababta ay gaadiidkan u qabteen ay aheyd shaki ay ka shakiyeen in lala baxsanayo, maadaama aanu wasiirku ka mid aheyn golaha wasiirada ee uu soo magacaabay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,isla markaana wax waraaqo sharci ah oo ay socodkooda u haysteen aanay jirin waxaanu yidhi “Sidaas darteed waxaanu nidhi kooxo caafimaad idinlama socdo, wasiirkii idinlama socdo, dhakhaatiiri idinlama socoto, masuuliyiin kale idinlama socdaan ee xageed baabuurtan ku wadaan? Waxay nagu yidhaahdeen waxaanu u soconaa Laascaanood, maxaad ka dooneysaan,ayaanu waydiinay? Odayaal ayaanu soo qaadeynaa,ayay yidhaahdeen,, annaga arrintaasi shaki ayay nagu abuurtay maadaama dawladd cusub la soo magacaabay, wasiirka caafimaadkuna aanu ka mid aheyn golihii wasiirada ee la magacaabay, waxaa na galey shaki, waxaananu u qaadaney hanti qaran oo lala baxsanayo inay tahay, sidaasi ayaanu ku qabaney baabuurtiina aanu ku dhigney.”
Taliyaha oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay in ay xidheen xubno ka mid ah qoyska Wasiirkii hore ee caafimaadka,ayaa ku jawaabay“Habayaraate cid aanu xidhney ma jirto shantaa qof ayaa la socday saddex millatari ayay ahaayeen xeryihiini iska xaadiriya ayaanu nidhi, labadii dirawalna albeerkooyinka ayay seexdeen, saakana waxaanu ku waabariisanay iyada oo la leeyahay dirawaliin iyo xaas iyo wax baa la xidhay, waxaasina waa waxaan sal iyo raad tooona laheyn, taliyihii saldhiguna waa uu joogaa, hanti umadeed oo lala baxsaneyo ayaanu u aqoonsaney, sidaasi ayaanu ku qabaney, cid kale oo u xidhanina ma jirto” ayuu yidhi Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Togdheer.
Taliyaha saldhiga dhexe ee magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer gaashaanle Khadar Faarax oo isna warbaahinta la hadlay ayaa arrintaasi iska foogeyey, waxaanu yidhi “Saldhiga la leeyahay waa ay ku xidhan yihiin waa saldhiga dhexe ee Burco, saldhiga dhexena anaa ka masuul ah, cid aanu xidhneyna ma jirto , laba gaadhi oo midna wasiirku ku magacaaban yahay midna cid leh aanaan war u heynin, baadhisna loo xidhay ayaa jirta, hase ahaate dad xidhan oo aanu imika heynaa ama dirawal ha noqdo amase xaas wasiir ha noqote amase cid kale oo wasiirka ku abtirsata ha noqote ma jiraan, waxaan labadaas gaadhi aheyn iyaguna qaybta ayay joogaan ama gaadiid sifo sharci wadada ku marayay ayay noqon doonaan ama gaadiid la lunsanayay ayay noqon doonaan”
Xogsoor Media.Net.
Hargeisa Somaliland