Burco(Xogsoor Media.Net):- Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Togdheer Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Xayd,ayaa ka hadlay warar sheegayay in ay xidheen xubno ka id ah qoyska Wasiirkii hore ee Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye oo ay ku qabteen magaalada Burco.
Waxaanu taliyuhu sheegay in aanay jirin xubno ka mid ah qoyska wasiirkii hore ee Caafimaadka oo ay qabteen ama ay xidheen,waxaanu intaa raaciyay in ay qabteen laba gaadhi oo wasaaradda caafimaadku leedahay oo ay ku xidhan yihiin taariko shicib isla markaana ay laba dirawa wadeen lana socdeen sadex askari.
Haddaba warka Taliyaha Qaybta Booliska Togdheer oo dhammaystiran halkan ka daawo.