Rag Miisaan Kulahaa Xisbig KULMIYE oo la Filayay In Ay Xukuumadda Muuse Biixi Safka Hore Kaga Jiraan oo Laga Dhex Waayay iyo Hadal Haynta Dadweynaha
Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,ayaa maanta soo magacaabay xubhaha Xukuumaddiisa oo ka kooban 23 Wasiir iyo 9 Wasiir ku-xieen oo ay ku jiraan dhawr xubnood oo ka mid ahaa Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo ee uu xilka kala wareegay.
Waxaa kaloo ku jira wasiiradda uu Madaxweyne Muuse soo magacaabay wajiyo cusub marka loo eego xilka wasiirnimo ee loo magacaabay laakiin saaxada siyaasada muddo ma dhex muuqday oo ay ka mid yihiin Axmed Muunin Seed oo ka soo baxay Xisbiga WADDANI ka dib markii ay isku dhaceen uddoomiye Cirro isla markaana ay kukala fogaadeen doorashadii Musharixiinta Xisbiga WADDANI ee jagada Madaxweyne Ku-xigeenka loogu doortay Danjire Maxamed Cali Cabdi markaasoo uu ku biiray xisbiga KULMIYE.
Waxaa kaloo uu Wasiir u magacaabay Xasan Gaafaadhi oo markii urursiyaasadeedkii uu guddoomiyaha ka ahaa ee Rays uu hadhay ku biiray Xisbiga KULMIYE.
Waxaana liiska wasiirada cusub laga waayay oo aan lagu arag rag miisaan culus ku lahaa ololihii doorashada Madaxtooyada ee KULMIYE ee uu ku soo baxay Muuse Biixi Cabdi oo ay ka mid yihiin Prof: Axmed Ismaaciil Samatar,Maxamed Axmed Caalin(Tiimbaro) iyo Maxame Cali Bile oo la filayay in ay safka hore kaga jiraan Xukuumadda Muuse Biixi soo dhisayo.
Qaar ka mid ah dadweynaha caasimadda Hargysa oo aragtiyo kala duwan ka dhiibtay magacaabista wasiirada cusub ee xukuumadda Muuse ayaa qaarkood ay soo dhaweeyeen xubnaha uu magacaabay isla markaana ay ku taageereen in uu wajiyo cusub soo magacaabay,halka kuwo kalena ay sheegeen in xukuumadda uu soo dhisay aanay ahayn tii laga filayay Madaxweyne Muuse isla markaana ay dhaliilo leedahay oo ay ku dhaliilayaan in wasaaradaha qaarkood in aan loo dhiibin shaqsiyaad u qalma shaqada ay qabanayso isla markaana ay badan yihiin xubnaha wasiirada uu magacaabay.
“Waxaan u arkaa in uu soo dhisay dawlad wanaagsan kol hadduu na dhaafiyay kuwii hore”sidaa waxaa kaga dareen celiyay mid ka mid aha dadweynaha caasimadda Hargeysa oo Xogsoor Media.Net wax ka waydiisay siduu u arko magacaabista xubnaha golaha Xukuumadda cusub
Mid kale oo isna dareenkiisa ka dhiibtay ayaa sidan ku jawaabay“Waxaan u arkaa in uu soo dhisay Madaxweynuhu dawlad qaybi majaro habawsantahay “
Aragtida dadweynaha ayaa qof kalena sidan kaga aragti dhiibtay“Waxaan u arkaa xukuumadda uu soo dhisay Madaxweynuhu in aanay ahayn wixii laga filayay,waxaanu ka filaynay dawlad tiro yar oo tayo”
Waxaa kaloo jira oo aad loo hadal hayaa saamaynta ay ku yeelan doonto Xukuumaddiisa haddii ay jiraan magacaabis kale oo wali u hadhsan oo uu Madaxweynuhu soo wado isla markaana sii kordhin karta tirade golaha Xukuumaddiisa.
Xogsoor Media.Net.
Hargeisa Somaliland