Madaxweye Muuse Biixi oo ahaan jiray duuliye (Pilot) ayaa ku guulaystay doorashadii sida adag loogu tartamay ee Somaliland ka qabsoontay
Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Mareegta African News ee falanqaysa arrimaha Afrika, ayaa warbixin ka qortay dimuqraadiyadii iyo nabadgelyadii madaxweynaha cusub ee Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi uu xilka kagala wareegay madaxweynihii hore Md. Axmed Maxamed Siilaanyo.
African News, waxay sheegtay in muwaadiniinta reer Somaliland ay ku diirsadeen sida nabadgelyada ah ee awooda dalka la iskugu wareejiyay, waxaanay madaxweynahooda cusub u rajaynayaan guul shanta sannadood ee soo socda.
“Madaxweye Muuse Biixi oo ahaan jiray duuliye (Pilot) ayaa ku guulaystay doorashadii sida adag loogu tartamay ee Somaliland ka qabsoontay 13kii November, waxaannu ku hantay 55% codbixintii laga dhiibtay doorashadaas,”ayay African News ku sheegtay qormadan oo uu soo turjumay Cumar Maxamed Faarax Tifaftiraha Guud ee Dawan Mediagroup
Shabakaddu waxay tibaaxday in madaxweyne Muuse Biixi uu xalinayo tabashooyinkii ka dhashay doorashadii madaxtooyada; “Waxaan diyaar u ahay inaan xaliyo oo dejiyo dhammaan ciddii tabasho ka qabta khilaafaadkii doorashada ka dhashay,”ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlayay xafladii caleemo-saarkiisa ee Salaasadii lagu qabtay Hargeysa. Waxaannu intaas ku ladhay; “Haddii aad qabto tabasho waa inaan timaadaa miiska wadahadalka.”
African News waxay caddaysay in madaxweyne Muuse Biixi laga sugayo inuu wax ka qabto shaqo la’aanta heerkeedu sareeyo, gaar ahaan dhallinyarada iyo inuu sii wado halganka ay Somaliland ugu jirto inay ictiraaf ka hesho beesha caalamka.
“Somaliland waxaa lagu tilmaamaa inay ka tahay meelaha ugu xasiloon mandaqada Geeska Afrika, Somaliland waxay leedahay ciidammadeeda ammaanka, lacag u gaar ah iyo nidaamkii garsoorka. Waxa kaloo ay muhiim u tahay la-dagaalanka budhcad baddeeda iyo argagixisada Geeska Afrika,”ayaa lagu yidhi.
Waxa kaloo ay aad u ammaantay xornimadii doorashooyinkii ka qabsoontay waddanka; “Somaliland waxay qabatay doorashooyin najaxay oo madaxtinimo sannadihii 2003 iyo 2010. Waxa kaloo ay qabatay doorashadii baarlamaanka sannadkii 2005.doorashadii 2017 waxa lagu qeexay inay ahayd doorashadii u horraysay ee xor ah ee sannado badan ka dhacda Geeska Afrika,
.
Xogsoor Media.Net.
Xogsoormedia24@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland