Madaxweynaha La Doortay ee Somaliland oo Maanta Talada La Wareegaya iyo Madax Ka Socota Dawladaha Deriska iyo Caalamka oo Munaasibadda ka Qayb Gelaya

0
444

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):-Madaxweynaha la dooray ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi,ayaa maanta xilka kula wareegaya munaasibad si wayn  loo soo agaasimay oo  lagu qaban doonao saacadaha soo socda qasriga Madaxtooyada Somaliland ee Hargaysa.

Munaasibadda Madaxweynaha xilku ka dhammaaday  Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,ayaa xilka ku wareejin doona Madaxweynaha la doortay ee Somaliland oo ay ka wada tirsan yihiin Xisbiga KULMIYE.

Waxaana Xafladda ay xilka kula kala wareegayaan labada Madaxweyne kasoo qayb galay oo lagu soo casuumay Madaxweynihii sadexaad ee Somaliand Daahir Rayaale Kaahin oo muddo dalka dibadiisa ku maqnaa kuna noolaa dalka Faransiiska oo uu deggen yahay.

Waxaa kaloo ka soo qayb gelay weftiyo ka socda dawladaha deriska la ah Somaliland eek ala ah Itobita,Jabuuti iyo Kenya.waxaa kaloo ka soo qayb galay munaasibadda xil-wareejinta labada Madacweyne ee  Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo si rasmi ah xilka ugu wareejin doona Madaxwrynaha la doortay  Muuse Biixi Cabdi madax ka socota dawladaha Midawga Yurub iyo Ingiriiska oo maalmihii u dambeeyay dalka soo gaadhayay kulamona la yeeshay Mdaxda Somaliland.

Munaasibadda xil –wareejinta iyo dhaarinta Madaxweynaha cusub ayaa saacadaha soo socda ka bilaabmi doonta qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Waxaa kaloo ka qayb gelaya munaasibadda dhaarinta iyo xil-ku wareejinta madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi Bille Rafle Guuleed oo ka mid ahaan jiray Madaxdii Dawladdii Siyaad Barre oo ka noqday ama ka gaadhay illaa Heer wasiir Hargeysana ka soo noqday Guddoomiye Gobol isla markaana wax badan ka qabtay muddadii uu badhasaabka aka ahaan jiray wax badan qabtay dhismayaasha iyo waddooyinka caasimadda Hargaysa,iyo  Fannaanka dhanka caanka ah ee Maxamed Ismaaciil Xudaydi.

Xogsoor  Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeysa Somaliland

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here