Qaramada Midoobay Oo Soo Saartay Warbixin Ku Saabsan Tirada Dadka Lagu Dilay Dalka Soomaaliya Sanadkan Sii Dhamaanaya Ee 2017-ka.
Muqdisho(Xogsoor Media.Net):-Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadamaha ayaa soo bandhigay tirada dadka lagu laayey dalka Soomaaliya sanadkan sii galbanaya ee 2017-ka.
Warbixintan ay soo saartay qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in dalka soomaaliya sanadkan lagu dhibaateeyey dad gaadhay 4,585 qof kuwaasoo loo gaystay dilal iyo dhaawacyo kala duwan.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in dalka Soomaaliya lagu dilay sanadkan sii dhamaanaya ee 2017-ka dad tiradoodu gaadhayso 2,078 qof halka dhaawacuna uu gaadhayey 2,507 qof.
Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay in dadka ku nool magaalada Muqdisho loo gaysto dhibaato gaadhsiisan 100$.
Haddaba shaxda Warbixinta Qaramada Midoobay ka soo saartay tirade dadka lagu dilay Soomaaliya halkan hoose ka daawo.