Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Madaxweynihii Hore ee Somalilad Daahir Rayaale Kaahin iyo Marwadiisa Huda Barkhad Aadan ayaa maanta dalka ku soo laabtay isla markaana lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Cigaal ee Hargeysa.
Soo dhawaynta Madaxweyne Rayaale iyo marwadiisa,ayay soo wada dhaweeyeen xubno ka mid ah UDUB-tii KULMIYAWDAY ee ka mid ahaan jiray golihii xukuumaddiisa oo ay ka mid yihiin Danjire Cawil Cali Ducaale iyo Cabdilaahi Maxamed Ducaale,iyo wasiirada Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Hawlaha Guud Cali Xasan Maxamuud Cali Mareexaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin iyo Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee golaha wakiiladda Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.
Haddaba halkan hoose ka daawo Soo dhawaynta Daahir Rayaale iyo weedhihii laga yidhi.