Wasiirada Xukuumadda Xilka Wareejinaysa Qaarkood oo Bilaabay Magacaabista Masuuliyiin iyo Waaxo Cusub oo Caqabad ku ah Xukuumadda Soo Socota
Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Maalmihii u dambeeyay waxaa socday dedaallo ay wasiiradda Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee xilka ku wareejinaysa Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ay ku magacaabayaan waaxo cusub oo ay wasaaradahooda ku soo kordhinayaan iyo madax-waaxeedyo cusub oo ay magacaabayaan.
Madax-waaxeedyada ay magacaabayaan ayaa ah kuwo ku sucub wasaaradaha isla markaana xil iyo shaqo loogu samaynayo shaqsiyaad ay wasiiradda tallaabooyinkan qaaday isku xidhan yihiin.
Magacaabista waaxo cusub oo doorashadii ka dib lagu soo kordhiyo wasaaradaha qaarkood ayaa ah caqabad horleh oo laga dhex sameeyay wasaaradaha madaxdoodu tallaabadan ay ku dhaqaaqeen,waxaanay mushkilad ku yihiin waaxaha cusub ee wasiirada maalmaha koobani xilka uga hadhsan yihiin ay magacaabayaan wasiiradda xilka kala wareegi doona ka dib marka uu madaxweynaha la doortay Muues Biixi talada dalka la wareego soona dhiso golaha Xukuumaddiisa.
Dadka ka faallooda siyaasadda Somaliland ayaa tilmaamay in madaxda sidan samaysay ee waaxyaha cusub iyo madax-waaxeedyada soo kordhiyay in ay yihiin wasiirada ka rejo dhigay in ay ku soo noqdaan kana soo muuqdaan xukuumadda cusub ee uu soo dhisi doono Madaxweyne Muuse.
Waxaana ugu dambeeyay wasiiradda waaxyaha cusub soo kordhiyay wasiirka wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiska oo Khadar Xaaji Yuusuf oo sadexdii bishan soo saaray magacaabis masuul uu u magacaabay xil ku cusub wasaaraddiisa isla markaana ah xil aan hore ugu jirin laamaha wasaaraddiisa.
waatan warqada magacaabista ah ee uu soo saaray wasiir Khadar
Waxaanay xilalka noocaas ahi ay u egyihiin kuwo ka soo baxay wasiirro ka rejo dhigay in ay ka mid noqdaan masuulyiinta ku soo noqon doona xilka wasiirnimo ee Xukuumadda madaxweynaha la doortay ee Muuse Biixi uu soo dhisi doono sidaa daraadeed waxay ka sii tegayaan qodxaan caqabad ku noqon doona masuuliyiinta ay xilka ku wareejin doonaan laakiin waxaa loo baahan yahay dhammaan waaxyaha noocaas ah ee dirqi ku samayska ah in xukuumadda cusubi ay dib u eegis ku samayso si aanay caqabad ugu noqon habsami u socodka shaqada qaranka ee dalka iyo dadka loogu adeegayo.