Shirkada Dahabshiil oo Maxkamad Sare Kaga guulaysatay qoyska Fannaanadii Saado Cali

0
598

USA(Xogsoor Media.Net):-Shirkadda Dahabsiil Group,ayaa  kaga guulaysatay dacwad ay kku soo oogeen qoyska Fannaanadii Saado Cali Warsame oo Xamar Lagu dilay.

Dacwadan  oo ay hor kacayeen  wiil ay dhashay fannaanada lagu dilay magalada muqdisho Xarbi Xuseen iyo qoyskiisa Ayaanle Cali, Raaqiya Cali iyo Maryan Cali.

 Dacwada ay isku deyeen inay ku eedeeyaan ayaa ahayd in shirkada dahabshiil ay xidhiidh la leedahay kooxaha argagaxsida oo ay maalgeliso.

Dacwada ayey shirkada dahabshiil ku soo oogeen  bishii April 2016kii. Maxkmada ayaa denbi ku weyday shirkada 27kii January 2017, hase yeeshee waxa racafaan ka qaatay qoyska Saado Cali oo u gudiyey Maxkamada Sare ee racafaanka.   Maxkmada Sare ayaa go,aan ka soo saartay bishan December koowdeedii in eedeymihii loo soo jeediyey lagu waayey shirkada Dahabshiil.

Dacwad ku waayidda shirkadda Dahabshiil ee ay soo saartay Maxkamadda Sare ee Racfaanka dalka Maraykanku ayaa soo gunaanadaysa dacwadan isla markaana Shirkadda Dahabshiil u caddaynaysa in aanay wax dambi ah lahayn.

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com\

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here