Madaxweynihii Hore ee Yemen CaliCabdalla Saalax oo La Dilay

0
447

Sanca(Xogsoor Media.Net):- Madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa lagu dilay dagaal ay iskaga hor yimaadeen kooxda Xuutitiinta oo muddo ay xulufo ahaayeen ka dib markii ay dagaal iskagahoryimaadeen.

Cali Cabdalla Saalax wuxuu xuutiyiinta la saftay ka dib markii uu bilowday dagaalka sokeeye ee Yemen, sannadkii 2015-kii.

Wararka ka imanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in madaxweynihii hore ee dalkaasi Cali Cabdalla Saalax lagu dilay dagaal uu Xuutiyiinta kula galay magaalada Sanca.

 

Telefishin ay Xuutiyiinta maamulaan oo lagu magacaabo al-Masirah ayaa baahiyay muuqaalka nin wasiirka arrimaha gudaha lagu sheegay oo shaacinaya in “la afjaray dhibaatada maleeshiyada khiyaanada qaran sameysay, lana dilay hoggaamiyahooda”.

Dad ka tirsan xisbiga Mr Saalax ayaa sidoo kale xaqiijiyay geeridiisa, sida uu baahiyay TV-ga Al-Carabiya.

 

Sawirro iyo muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada waxay muujinayaan meydka qof u eg saalax oo dhaawacyo xun ay ka gaadheen madaxa.

 

Xisbiga siyaasadeed ee uu ka tirsan yahay ayaa beeniyay in la dillay xilli hore, ka dib markii kooxda Xuutiyiinta ay qarxiyeen gurigiisa ku yaalla caasimadda Yaman ee Sanca.

 

Wixii ka horreeyay todobaadkii  tegay, taageerayaasha Cali Cabdalla Saalax waxay la safnaayeen ururka shiicada ah ee Xuutiyiinta, waxayna dagaal kula jireen dowladda Yaman ee Sucuudiga uu taageero.

 

Madaxweyne Cabdrabbuh Mansuur Haadi oo la doortay ka dib markii Saalax xilka lagaga tuuray kacdoon ayaa xarun ka dhigtay Sacuudiga.

 

Balse khilaaf siyaasadeed iyo muran dhanka maamulka ee masaajidka wayn ee ku yaalla meesha mucaaradka ay maamulaan ee Sanca ayaa sababay dagaal culus oo oo dhexmaray taageerayaasha Cali Cabdalla Saalax iyo maleeshiyada Xuutiyiinta.

Xulafada Sacuudiga oo soo dhoweeyey Cali Cabdalla Saalax oo dagaal kula jira Xuutiyiinta,ayaa sabab u noqday dagaal toos ah poo dhex mara taageerayaasha Cali Cabdalla Saalax iyo kooxda Xuutiyiinta oo gacantaku haya caasimadda dalka ee Sanca oo uu Saalax degenaa.

Wararku waxay sheegayaan oo ay intaa ku darayaan in Madaxweynaha hore ee dalka Yemen dilay weerar lagu waaqay gurigiisa oo looadeegsadayqaraxyo waawayn.

 

Ugu yaraan 125 qof ayaa ku dhintay, 238 kalena way ku dhaawacmeen dagaalkan oo socday tan  illaa arbacadii tidibaadkii hore

 

Sabtidii, Saalax wuxuu ku baaqay “in bog cusub la furo” oo uu taageerayo Mr Haadi, haddii isbeheysiga Sacuudigu uu hoggaaminayo ay joojiyaan weerarka Yemen iyo xannibaadda xun ee ay ku hayaan.

 

Isbeheysiga iyo dowladda Cabdurabah Mansuur Haadi ayaa soo dhoweeyay hadalkaasi. Balse, Xuutiyiintu waxay Saalax ku eedeeyeen in uu “afgembinayo” isbeheysi “aanu  weligii aaminin”.

 

In ka badan 8,670 qof ayaa lagu dilay, 49,960 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka bilowday ka dib markii isbeheysiga Sacuudiga uu farageliyay Yaman sannadkii 2015-kii, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

 

Dagaalka iyo go’doominta ayaa sababay 20.7 milyan oo qof in ay si adag ugu baahdaan gargaar bini-aadamnimo. Arrintaas ayaa lagu tilmaamay in ay tahay cunta la’aanta ugu xun Caalamka, waxaana ka dhashay daacuun dilay 2,211 qof, tan iyo bishii April.

Xigasho BBC-Somali

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here