Hargeysa(Xogsoor Media.Net):-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan,ayaa meesha ka saaray in uu jiro heshiis ay wada galeen Somaliland iyo Khaatumo waxaanu ku koobay heshiiskaas hadal iyo soojeedin taagan oo u dhaxaysa Madaxweynaha xilka ka degaya iyo Prof: Cali Khaliif.
Waxaanu intaa ku daray in soojeedintaasi ay sharci noqon doonto marka ay Madaxweyne iyo Cali soo dhaafto ee ay usoo gudubto goleyaasha sharci dejinta.
Gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo ka hadlayey fadhi ay maanta lahaayeen golaha guurtida somaliland ayaa sheegay in arintaasi ay hada hortaalo madaxweynaha, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Heshiiskan madaxweynaha iyo Khaatumo waad ku wada riiqateen, arintaasi hada waxay joogtaa madaxweynaha iyo Cali Khaliif, heshiisna maaha ee waa soo jeedin, ha soo gudubto oo waa inay labada golaba martaa oo ay ansixiyaan markaas ayaanay heshiis qaran noqonaysaa.”
Gudoomiye Saleebaan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Haku riiqaninee hala soo gudbiyo oo nidaamkeeda ha soo qaadato markaas ayeynu wixii laynooga baahan yahay ka qabanaynaa.”
Xogsoor Media.Net
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland