Gudiga Fulinta Xiddigaha Geeska oo Xilka Ka Qaaday Guddoomiyihii Kooxdaas Abwaan Laab-saalax Guddoomiye ku-meelgaadh ahna Magacaabay
Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Guddiga Fulinta iyo Xubnaha Kooxda Fanka ee Xiddigaha Geeska, ayaa sheegay inay Xilkii ka qaadeen Guddoomiyihii Kooxdaas Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-saalax), ka dib markii ay ku eedeeyeen xil-gudasho la’an.
Waxaa sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed kooban oo ka soo baxay Caawa Guddiga Fulinta ee Kooxda Xiddigaha Geeska, kaas oo lagu sheegay in Guddiga Fulinta iyo Xubnaha Kooxda Xiddigaha geesku shir ay isugu yimaadeen Cod-gacan-taag ah kaga qaadeen Maanta xilkii guddoomiyenimo Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul.isla markaana guddoomiye ku-meel gaadh ah ugu doorteen Fannaanka heesaaga ah ee Maxamed Axmed Bakaal.oo hore u ahaa xoghayaha guud ee kooxda
Qoraalka War-Saxaafadeedkaas Xiddigaha Geeska ka soo baxay,ayaa u dhignaa sidan.
“Maanta oo ay bishu tahay 03 12 2017 shir ay isagu yimaaddeen Guddiga fulinta ee Kooxda Xiddigaha Geeska iyo Xubnaha Kooxdu waxay xilkii guddoomiyenimo ee kooxda cod gacan taag ah kaga qaadeen Guddoomiyihii hore ee kooxda Xiddigaha geeska Xasan Saleebaan Maxamed (Laab-saalax), ka dib markii uu gudan waayey waajibaadkii shaqo ee kooxdu u igmatay sida uu dhigayo sharciga Kooxdu.
Islmarkaa waxay kooxdu cod gacan taag ah ku sime gudoomiye ugu doorteen xoghayaha kooxda Maxamed Axmed Bakaal Cirro). ALLAA Mahad Leh.”
War saxaafadeed
Maanta oo ay bishu tahay 03 12 2017 shir ay isagu yimaadeen gudida fulinta ee kooxda Xiddigaha Geeska iyo xubnaha kooxdu waxay xilkii gudoomiyenimo ee kooxda cod gacan taag ah kaga qaadeen Gudoomiyihii hore ee kooxda xidigaha geeska Xasan Saleebaan Maxamed ( laab saalax) ka dib markii uu gudan waayay waajibaadkii shaqo ee kooxdu u igmatay sida uu dhigayo sharciga kooxdu.
Islmarkaa waxay kooxdu cod gacan taag ah ku sime gudoomiye ugu doorteen xoghayaha kooxda Maxamed Axmed Bakaal Cirro)
ALLAA Mahad Leh
Gudida fulinta kooxda xidigaha geeska.”
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland