Hargaysa (Xogsoor Media.Net): Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta markii labaad madaxweynaha talada dalka wareejinaya ee Axmed Maxamed Siilaanyo dib ugu celiyay saddex xeer oo hore goluhu u ansixiyay , kuwaasoo uu mar labaad u soo gudbiyay madaxweynaha xilka ka sii degayaa
Saddexdan xeer ee dib loogu celiyay madaxweynaha waxay kala yihiin xeerka booliska, xeerka xabsiyadda iyo xeerka duulista iyo hawadda saddexdaas xeer oo goluhu hore u ansixiyay, isla markaana la mariyay golaha Guurtidda.
Kadibna waxaa loo gudbiyay madaxweynaha, iyadoo madaxweynuhu-na uu wax ka bedel ku soo sameeyay. Inkastoo saddexdan xeer ay muddo hor yaaleen golaha Wakiiladda.
Guddoomiyaha golahaasi Baashe Maxamed Faarax, oo fadhiga maanta shir-gudoominayay ayaa faahfaahin ka warbixiyay sababta ay saddexda xeer mar kale dib ugu celiyeen madaxweynaha xilka ka sii socda. Waxaanu yidhi “Madaxweynuhu saddexda xeer-ba wuxuu ku soo sameeyay wax-ka-bedel. Sida dastuurku dhigayo waxa weeyi, marka goleyaashu madaxweynaha u gudbiyaan xeer, wuxuu xaq u leeyahay in muddo 21 maalmood ah ku saxeexo ama uu wax-ka-bedel ku sameeyo.
Markaa madaxweynuhu wuxuu maray dariiqii sharciga ahaa, saddexda xeer-na wuxuu ku sameeyay wax-ka-bedel. Xeerarkani muddo badan ayay golaha Wakiiladda dhexyiileen. Soo jeedinta madaxweynaha goluhu waa in uu raaco, haddii lagu qanci waayo soo jeedinta madaxweynaha”.
Waxaanu intaas raaciyay “Waxaa loo baahan yahay in 55 xildhibaan ay u codeeyaan xeerka. Markaana waxa weeye in sidii xeerku kaga baxay golaha Wakiiladda, waa in madaxweynuhu ku saxeexo. Haddii la waayo in aqlabiyadii goluhu ku ansixiyay ee 55 xildhibaan ahayd, xeerkaasi wuu dhimanayaa. Waa in markaa xeer cusub la soo sameeyaa”ayuu yidhi gudoomiye Baashe.
Xildhibaanadii fadhiga maanta joogay ayaa la waydiiyay laba su’aalood oo kala ahaa in ay ku qanacsan yihiin soo jeedintii madaxweynaha, taasoo markii ay u codaynayeen ay diideen. Iyadoo markii labaad-na loo codeeyay in xeerkii labadda gole ee Guurtidda iyo Wakiiladu gudbiyeen ay raacsan yihiin iyo in kale. Cod aqlabiyad ah oo 55 ah ayaanay ku ansixiyeen xildhibaanadu saddexda xeerba.
Geesta kale guddoomiye Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay in saddexda xeer ee ay madaxweynaha ku celiyeen in sharcigu madaxweynaha farayo in uu sidaas ku saxeexo, ansaxna ay ku noqdaan. Waxaanu yidhi “Markaa soo jeedintii madaxweynaha, madaxtooyadda ayaanu ku celinay. Markaa madaxweynuhu waa in uu xeerka booliska, xeerka madaxtooyadda iyo xeerkii duulista hawadda, waxaanay ku dhaqan gelayaan sidii labadda gole ay ku ansixiyeen”.
Dhinaca kale waa markii u horaysay ee golaha Wakiiladda Somaliland ay madaxtooyadda ku celiyaan xeerar uu madaxweynuhu wax-ka-bedel ku soo sameeyay, isla markaana ay hore u ansixiyeen labadda gole ee Guurtidda iyo Wakiiladu.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland