Isku Aadka Koobka Adduunka Oo La Shaaciyey Iyo Wakhtiga Uu Bilaabmayo

0
613

Isku Aadka Koobka Adduunka Oo La Shaaciyey Iyo Wakhtiga Uu Bilaabmayo

Moscow(Xogsoor Media.Net):- Waxa waddanka Ruushka lagaga dhawaaqay isku aadka koobka adduunka ee marxaladda groupka, halkaas oo xaflad lagu qabtay magaalada Moscow ay dalalku iskugu beegmeen siddeed hormo oo min afar kooxood ah.

Ingiriiska oo muddo dheer raacdo ugu jiray inuu mar labaad ku guuleysto Koobka Adduunka ayaa ku beegmay group uu si sahal ah kaga soo bixi karayo, kaas oo ah Group G oo ay ku wehelinayaan Belgium, Panama iyo Tunisa.

Dalka Koobka Adduunka haysta ee Germany oo madax u ah hormada F, ayaa waxa ku wehelinaya dalalka Mexico, Sweden iyo South Korea, halka Brazil ay hormo jilicsan ku dhacday marxaladdda koowaad ee Groupka, halkaas oo ay foodda is gelin doonaan Switzerland, Costa Rica iyo Serbia.

Isku Aadka oo dhamaystiran:

  • Group A: Russia, Saudi Arabia, Egypt, Uruguay
  • Group B: Portugal, Spain, Morocco, Iran
  • Group C: France, Australia, Peru, Denmark
  • Group D: Argentina, Iceland, Croatia, Nigeria
  • Group E: Brazil, Switzerland, Costa Rica, Serbia
  • Group F: Germany, Sweden, Mexico, South Korea
  • Group G: Belgium, Panama, Tunisia, England
  • Group H: Poland, Senegal, Colombia, Japan

Wakhtiga uu bilaabmayo Koobka Adduunku:

Ciyaarta ugu horreysa waxa lagu furi doonaa labada waddan ee Russia iyo Saudi Arabia ciyaar dhici doonta 14 June fiidnimada wakhtiga bariga Afrika.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here