Maxaabiis Soomaali ah oo Qarka u Saaran In Liibiya Lagu Addoonsado oo Xabsiga Qaylo Dhaan ka Soo Diray

0
675

Liibiya(Xogsoor Media.Net):- Maxaabiis Soomaali ah oo   isugu jira wiilal iyo gabdho kuna xidhan dalka Liibiya ayaa sheegay in ay xaalad adag ku nool yihiin isla markaana ay u dhexeeyaan geeri iyo nolol addoonsi ah in ay mid uun ku dhacaan.

Waxaanay intaa ku dareen in ay halis ugu jiraan oo ay qarka u saaran yihiin in la kala iibsado oo la addoonsado iyagoo ku calaacalay in  dad badan oo xabsiga kula jiray oo ka mid ahaa  la haystayaasha Soomaalida ah oo lagala baxay jeelka ay ku xidhnaayeen in aan dib loogu soo celin kuwo kale oo dhaawacyo rasaas loogu geystay iyo qaar xannuunsanayana aan wax dawo ah loosiin

La haystayaasha Soomaalida ah oo isugu jira carruur yar yar oo qaarkood xabsiga ku dhasheen iyo dhallinyaro hablo iyo innamoba leh ayaa sheegay in ay tiradoodu dhan tahay 420 qof oo dhammaantood Soomaali ah waxaanay dawladda Soomaaliya iyo beesha caalamkaba ka codsadeen in laga soo gaadho oo laga badbaadiyo wax ay ugu yeedheen addoonsi lagu kala iibsanayo haddii aan xabsiga laga soo furan.

La haystayaasha  Soomaalida ah eek u xidhan dalka Libiya oo la hadlay Idaacadda BBC-Somali. Oo si quus ah u hadlayay farriin dhiillo ka muuqatana Dawladda Soomaaliya iyo beesha caalamkaba u dirayay ayaa yidhi. “waxaanu meesha ku jirnaa 55 maalmood waxaanay tiradayadu dhantahay 420 qof oo 66 ka mid ahi ay dumar yihiin inta kalena waa rag,dad xannuunsanaya oo qaarkood dhaawac rasaasi ay ku dhacday ayaa nagu jira oo qaarkood nalaga qaaday oo aan dib naloogu soo celin waxaa kaloo jira kuwo badan oo la jidh,dilay waxkasta oo qof bili,aadam ahi u baahan yahay ayaanu u baahanahay waxaa nalagu soo qabtay hawlgallo badda iyo berrigaba  ka dhacay waxaanan ku kala xeraysanahay sadex qol waxaa nagu jira dumar xaamilo ahaa oo iyagoo aan sedkoodii gaadhin qalliin lagu soo sameeyay oo ilmihii laga soo saaray oo meesha nagula xidhan,waxanan dawladda Soomaaliya iyo beesha caalamkaba aanu ka codsanaynaa in deg deg nalooga soo gaadho guryahan xabsiga ciqaabta daran leh noo ah  oo aanu aad ugu dhibbannahay haddii aan deg deg nalooga soo gaadhin waxaanu halis ugu jirnaa in aanu u gacan galno kooxo dadka ka ganacsada oo markii hore lacagao  na waydiiyay oo dadka ka ganacsada waxaanan imika qarka u saaranahay in nala kala iibsado oo nala addoonsado,waxaanu nahay walaalihiin oo Soomaali ah oo gurmad idiinka baahan ee noosoo guurmada oo warkayaga caalamka gaadhsiiya.”ayuu yidhi mid ka mid ah maxaabiista Soomaalida ah eek u xidhan caasimadda dalka Liibiya oo aan magiciisa sheegin oo taleefan ugu warramay BBC-Somali.

Waxaa jira dad badan oo afrikaan ah oo ku sugan dalka Liibiya isla markaana dad badan oo ka mid ahi ay u gacan galeen oo ay u xidhan yihiin dadka waxtahriibiya oo dadka ka ganacsada halka ay jiraan dad badan oo kale oo afrikaan iyo eeshiyaan isugu jira oo dalka dawlad la’aantu ka jirto ee  Liibiya ku sugan oo u diyaarsan in ay dalkaas ka tahriibaan oo ay safar badda ah kaga baxaan oo ay u gudbaan qaarada Yurub.

Waxaa kaloo jira culays la saaray tahriibayaasha ka gudbaya badda Miratareliyanka ee u dhaxaysa qaarada Yurub iyo dalka Libiya,waxaana jira dad u socday safarka Tahriibta oo ah mid aad u dhib badan oo ay doonayeen in ay maruun ku gaadhaan qaarada Yurub si ay u helaan nolol dhaanta tii ay dalalkooda ku haysteen oo imika la ildaran xaalad noloeed oo aad u adag kana duruuf iyo nolol xun tii ay kaga safreen waddamadooda oo xaalkoodu marayo in kooxo dadka ka ganacsadaa in ay kala iibsadaan oo ay isku wareejiyaan ka dibna ay maxaabiis ahaan u haystaan iyagoo magafayaashu ay ku xidhayaan lacag aad u badan oo madaxfurasho ah in qoysaskoodii ay soo diraan haddii taa laga waayana ay dili doonaan.

Waana suuq lagaga ganacsado dadka isla markaana lagu addoonsado dadka u dhaqaaqa safarka halaagga badan ee Tahriibta.

 

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here