Israa’iil iyo Sucuudiga oo Noqday Dalal Wadaaga Xidhiidh Dedan oo Hoose

0
624

W/wararka(Xogsoor Media.Net):- Muddooyinkii u dambeeyay waxaa sii xoogaysanayay isla markaana warbaahinta caalamku aad diirada ugu haysay xidhiidh Dublamaasiyadeed oo sii xoogaysanaya isla markaana koraya oo ay isugu soo dhawaanayaan dalalka Israa’iil iyo Sucuudiga oo muddooyinkii hore aad u kala fogaan jiray.

Xidhiidhka labadan dal ayaa isa soo tarayay tan iyo markii meesha laga saaray xukunkii Madaxweynihii isbahaysiga Maraykanku uu hoggaaminayay uu riday ee Saddan Xuseen dalka Ciraaqna ay ka soo baxday ama ka dhalatay dawlad ay majaraha u hayso Shiicada reer Ciraaq oo ay aad u taageerto Dawladda Iraan.

Laakiin waxaa in badan oo  ka mid ah  madaxda labadan dale e Israa’iil iyo Sucuudiga aan la arki jirin iyagoo fagaarayaasha iyo shirarka dublamaasiyadeed ama dhaqaale ee caalamku ku kulmo iyogoo ka qiranaya in ay xidhiidh dhaw leeyihiin.

Dawladda Sucuudiga ayaa in badan Israa’iil ay ku kala aragti duwanaayeen xuquuqda dadka reer Falastiin oo ay dawladda Boqortooyada Waxaa aad isugu soo dhawaaday dalalka Sucuudiga iyo Israa’iil , kuwaas oo samaystay isbahaysi ka dhan ah Iran.

Waxaa kaloo jirta in dawladda dalka Turkiga oo ah mid awood badan isla markaana caalamka Islaamka u muuqda in uu yahay hormuud u soo kordhay oo waliba awoodda saaraya in uu soo nooleeyo awooda Islaamka gaar ahaan muslimka Sunniga ah.

 

Awoodda hoggaaminta Turkiga ee aan la dafiri karin ayaa iyana sas kale ku abuurtay dawladda dalka Sucuudiga oo isu arkayay in uu yahay hoggaamiyaha dalalka muslimka sunniga ah iyo waliba Turkiga oo doonaya in uu isu soo dhaweeyo Muslimiinta Shiicada ah iyo kuwa sunniga ah.

waxaanay is tuseen Boqortooyada Riyaad in loo baahan yahay dal kale oo bariga dhexe ah isla markaana awood badan leh in ay la yeeshaan xidhiidh dhaw oo saaxiibtinimo isla markaana meel uga soo wada jeestaan awoodda Millatari ee Iiraan iyo xuluufadeeda

Haddaba waxaanu halkan idiinku  soo gudbinaynaa warbixin BBS-Somali ay ka qortay xidhiidhka labadan waddan ee wali dedan isal markaana aan xogta badan laga hayn.waanata tan warbixintii oo dhammaystirani. “Waa xidhiidh xasaasi ah, islamarkaasna sii koraya, iyada oo inta muuqata ay ka badantahay inta qarsoon.

 

Todobaadkii hore taliyaha ciidammada qalabka sida ee Israa’iil Gadi Eidenkot ayaa waraysi uu siiyay wargeys Sucuudiga laga leeyahay oo Britain kasoo baxa oo lagu magacaabo Alif ku sheegay in ay diyaar u yihiin in ay Sucuudiga isweydaarsadaan xogaha sirdoonka si looga hortago Iran.

 

“Waxaan leenahay dano aan wadaagno marka laga hadlayo arrimaha Iran, heshiis buuxa ayaana inoo dhaxeeya Sucuudiga” ayuu yiri Gadi.

 

Maalmo kadib wasiirkii hore ee caddaalada Sucuudiga Dr Maxamed Bin Cabdikariim Ciisa oo aad ugu dhow dhaxalsugaha Sucuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaa, oo hadlayay kadib shir uu kaga qaybgalay magaalada Paris ayuu wargeyska Maarif u sheegay “ma jiro ficil argagixiso ah oo marmarsiiyo u noqon kara in diinta Islaamka lagu qasbo meel adduunka ka mid ah, xitaa Israa’iil”.

 

Tani waa cambaareyn dhif iyo naadir ah oo loo jeedinayo weerarada Israa’iil ka dhanka  ah oo ka timid dunida Carabta.

Maalin kale sargaal sare oo ka tirsanaan jiray ciidammada Israa’iil oo ka hadlayay shir London ka dhacay ayaa ka hadlay laba shir oo uu la yeeshay labo amiir oo ka socday boqortooyada Sucuudiga, kuwaas oo ku yidhi “ma tihiin cadawgayaga”.

Hadaladaas oo kale ma ahayn kuwa ku yimaada si kama’ ah, waa kuwa si taxadar leh looga fiirsaday, ujeedaduna  ay tahay in lagu waabiyo Iran, iyo sidoo kale in shacabka Sucuudiga loogu diyaariyo haddii xidhiidhka labada dal ka dhaxeeya uu rasmi noqdo.

Israa’iil ayaa sida caadiga ah aad uga hadasha xidhiidhka labada dal in ka badan inta Sucuudigu uu ka hadlo. Balse waxyar ayaa laga ogyahay waxa ay tahay xaqiiqada rasmiga ah , waxaase cad in uu yahay xidhiidh rasmi ah, islamarkaasna sii kordhaya.

 

Halista Iran

Raysul-wasaaraha Israa’iil Netanyahu waxa uu sheegay in uu xidhiidh wanaagsan la yeeshay Bariga Dhexe

Markii duulaankii 2003-dii lagu afgambiyay Saadaam Xuseen, waxaa meesha ka baxay difaacii Sucuudiga ee Iran.

Waxaa Ciraaq ka dhashay hoggaan shiicadu ay majaraha u heyso, xidhiidh wanaagsana la leh dalka Iran. Mana aha arrin shil ah in Shiicada Ciraaq ay ka dagaalanto gudaha Suuriya iyaga oo taageeraya Bashaar Al Asad.

Taageerada Iran oo lagu daray tan Ruushka ayaa Bashaar ka caawisay in uu iska caabbiyo kooxihii qarka u saarnaa in ay xukunka ka tuuraan.

Waxa ay taasi sababtay in uu dhasho dhul ay Iran saamayn badan ku leedahay oo xidhiidhsan min Tehran illaa badda Mediterranean-ka taas oo ay suniyiin badan halis u arkaan.

Sidaas darteed cadawtinimada ka dhaxaysa Iran iyo Sucuudiga waa mid diimeed, iyo mid istaraatiijiyadeed.

Sida hadda xaalka u muuqdo Iran iyo kooxaha ay isbahaysiga leeyihiin sida ururka Xisbullaah ee Lubnaan, ayaa u muuqda in ay ku guuleysanayaan hirdanka jira. Sidaas darteed xoojinta xidhiidhka Israa’iil iyo Sucuudigu waa mid micno weyn samaynaya.

Labadaba waxa ay u arkaan in Iran aan marnaba loo ogolaanin in ay noqoto dal heysta hubka nukliyeerka, waxa kale oo ay u arkaan in Xisbullaah ay halis ku tahay degenaanshaha Bariga Dhexe.

Doorka Trump waxa uu booqday Israa’iil iyo Sucuudigaba, balse saameynta Maraykanka ee Bariga Dhexe ayaa hoos usii dhacaysa.

Waxaa kale oo jira waxyaabo kale oo socda, dhibka kaliya ma ahan sare u kaca Iran, ee waxaa jira arrimo kale oo ay tahay in xisaabta lagu darsado, taas oo ah saamaynta siyaasadda arrimaha dibedda ee Trump iyo kacdoonkii carabta waxyaabihii ka dhashay.

Marka koowaad waxa ay kula noqonaysaa in Sucuudiga iyo Israa’iil aysan wax cabasho ka qabi karin maamulka Trump, waxaana jirtay in Trump uu labada dalba booqday, una balanqaaday xiriir wanaagsan.

 

Balse xaqiiqda ayaa ah in Maraykanka Suuriya looga hub batay, lagana siyaasad badiyay, taasna waxaa sameeyay Ruushka.

 

Illaa hadda ma jirto wax siyaasad cad ah oo uu Maraykanka la yimid si uu uga hortago halista Iran.

 

Layaabna ma ahan in Israa’iil iyo Sucuudiga ay la qabsanayaan xaqiiqada ah in saameyntii Maraykanka ee Bariga Dhexe ay sii yaraanayso, sidaa darteed waxa ay dib ugu laabanayaan awooddii hore ee soo laabanaysa oo ah Ruushka.

 

Cabsida Israa’iil

Balse waa in horumar la taaban karo laga gaadho arrimaha Falastiiniyiinta, taas oo muddo dheer shuruud u ahayd Sucuudiga.

Waxaa jira  arrimo kale oo  kuwaas hore ka daran. Amiir Maxamed Bin Salmaan waxa uu ku hawl jiraa sidii uu isbedelo uga dhalin lahaa Sucuudiga, iyo sidii uu Iran isaga difaaci lahaa.

Isbedellka uu Sucuudiga ku samaynayo waa arrin ka dhalatay kacdoonkii Carabta, iyo halista kasoo fool leh ururada Islaamka ah.

Amiirka waxa ay u egtahay in ay ka go’antahay in uu isbedel  horseedo si loo gaadho mustaqbal wanaagsan.

Balse Israa’iil waxa ay rumeysantahay in ficilada Amiir Maxamed Binu Salmaan ay ka dhalan karto halis aan hadda jirin, waxayse qirsanyihiin in isbedelku uu muhiim yahay.

Israa’iil waxa ay dusha ka daawanaysay wixii ka dhacay Suuriya oo ahaa in ay caadi iska noqotay isticmaalka hubka kiimikada, taas oo sidii la rabay aanay uga jawaabin Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka inteeda kale.

Waxa ay Israa’iil u aragtaa in Suuriya ay tahay sheeybaadhka lagu tijaabiyo hubka Kiimikada sida uu dadka u xasuuqo, taas oo hadhoow loo isticmaali doono dalal kale oo gobolkan ka tirsan.

Illaa heerka xidhiidhka Sucuudiga iyo Israa’iil uu sii xoogaysan karo waxa ay ku xidhantahay habda sida siyaasadda Amiir Maxamed Binu Salmaan u guuleysato.

Balse waa in horumar la taaban karo laga gaadho arrimaha Falastiiniyiinta, taas oo muddo dheer shuruud u ahayd Sucuudiga.

Xikmadda waxa ay tahay in illaa inta xal rasmi ah laga gaadhayo arrimaha Falastiin, in xidhiidhka Sucuudiga iyo Israa’iil uu ahaado mid qarsoon.”

Xigasho BBC-Somali

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here