Wasiir Samsam oo Sheegtay in Aanay Xukuumadda Labaad ee KULMIYE ee Madaxweyne Muuse ka Mid Noqonayn

0
590

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan,ayaa sheegtay in aanay ka mid noqonayn Xukuumadda labaad ee Kulmiye ee uu soo dhisi doono Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi.

Waxaanay intaa ku dartay in ay muddo badan oo 7 sano ah soo shaqaynaysay oo ay kursiga u bannaynayso dhallinyarada si ay shaqada halkaa uga sii wadaan iyadun ay nasasho u baahan tahay oo ay aad u soo shaqaysay.

Waxaanay sidaa ka sheegtay munaasibad ay ciidanka qaranka Somaliland ku guddoonsiinaysay gaadiid iyo agab dhisme oo ay wasaaradda Maaliyaddu ciidanka qaranka ugu deeqday.

Haddaba halkan hoose ka daawo warkaas oo dhammaystiran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here