Hargeysa(Xogsoor Media.Net):-Madaxweynihii hore ee somalilamd Daahir Rayaale Kaahin,ayaa kelmad dardaaran ah u diray Madaxweynaha la doortay ee Somaliland halbalyona u diray Madaxweynaha guulaystay iyo musharax Cabdiraxmaan Cirro iyo guud ahaan bulshada reer Somaliland.
Waxaanu Madaxweynaha la doortay kula dardaarmay in uu fuliyo oo uu ka dhabeeyo balllanqaadkiisii oo uu mideeyo dadka reer Somaliland mucaarid iyo Muxaafidba.
“Waxaan leeyahay shacabka Somaliland waan idinku hambalyeynayaa doorashadii qabsoontay ee sida nabad galyada ah u qabsoontay, waxaanan u rejaynayaa mustaqbal fiican haddii alle imdo, madaxweynaha la doortayna waan ku hambalyeynayaa xilka loo doortay ilaahayna haku asturo Muuse Biixi Cabdi, murashaxii xisbiga Kale ee gudoomiye Cabdiraxmaam Maxamed Cabdilaahi isagana waan ku hambalyeynayaa tanaasulkii
uu sameeyey, guud ahaan Somaliland -na horu mar ayaan u rejaynayaa waxaanan leeyahay midnimo iyo wada jir, Isfahan iyo walaaltimo ayaan idiin rajaynayaa.”ayuu yidhi Md Daahir Rayaale oo la hadlay hctv.
Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa soo bandhigay sida lagu soo celin karo midnimadii shacabka waxaanu yidhi “Madaxweynaha la doortay waan dhagaystay inuu yidhi qofkii I doortay iyo kii kalaba way ii siman yihiin, taas oo laga dhabeeyo ayaa midnimada keenaysa, waxaanan kula dardaarmayaa madaxweynaha cusub midnimadaas iyo isku keenista umadu waa hawsha koowaad ee u taala, ilaahayna haku garab galo isaguna balanqaadkaas hakaga dhabeeyo.”
Sidoo kale Daahir Rayaale Kaahin ayaa ka hadlay aqoonta uu u leeyahay madaxweynaha la doortay waxaanu yidhi “Muuse nin cusub maaha waa la garanaya, dalkana waanagii soo wada joognay anaga oo xisbiyo ahayn maantana wax dhib ahi ma jirtee maanta waxaan u dirayaa hambalyadaas, aqoona waanu isku leenahay aniguna in igu filan ayaan u leeyahay isaguna wuu ii leeyahay.”
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland