Madaxweynaha Somaliland oo ka Hadlay Madaxweynaha La Doortay iyo Mushariintii ay Tartanka Wada Galeen

0
511

Hargaysa(Xogsoor Media.Net):-Madaxweynaha   Somaliland Axmed Maxamed Siilanyo,,ayaa ka hadlay Madaxweynaha la doortay ee Somaliland ee ka soo baxay xisbiga KULMIYE iyo musharixiintii ay tartanka wada galeen ee xisbiyada WADDANI iyo UCID.

Waxaanu Madaxweynuhu  hambalyeeyay Madaxweynaha  la doortay ee Somaliland iyo ku-xigeenkiisa  isla markaana waxaa uu bisayl siyaasadeed iyo dal jacayl ku ammaanay  musharixiinta labada Xisbi Mucaarid ee tartanka adag la galay Xisbiga KULMIYE ee WADDANI iyo UCID.

Waxaa kaloo uu bogaadiyay guud ahaan Bulshada reer Somaliland iyo gudiga doorashooyinka qaranka iyo taageerayaasha sadexda Xisbi Qaran.

War-saxaafadeed ka soo baxay qasriga Madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland,ayaa u dhignaa sidan.

“Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo  isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Xukuumadiisa iyo magaca ummadda Somaliland wuxuu Hambalyo iyo bogaadinba u dirayaa Madaxweynaha Cusub ee la doortay Mudane Muse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Mudane Cabdiraxman Cabdillaahi Saylici.

 

Madaxweynuhu wuxuu Murashaxiinta Xisbiga Kulmiye ee ku Guulaystay tartankii Doorashada Madaxtooyada ALLAH uga baryayaa inuu ku asturo xilkaa iyo Masuuliyadaa culus ee ay ummadda u qaadeen. Madaxweynuhu wuxuu Madaxweynaha la doortay kula dar-daarmay inuu ummadda JSL mideeyo isla markaana uu si cadaalad ah ugu xaq-sooro. Ha ogsoonaado inuu Madaxweyne u yahay kuwii isaga u codeeyey, kuwii aan u codaynin iyo kuwii ka aamusayba.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu hambalyo, ammaan iyo ducoba u diray labada Xisbi Qaran ee UCID iyo WADDANI iyo taageerayaashooda sidii quruxda badnayd ee ay uga qayb qaateen tartankii Doorashada Madaxtooyada.

Madaxweynaha JSL waxa kale oo uu Masuuliyiinta labada Xisbi Ee UCID iyo WADDANI ku bogaadiyey bisaylka siyaasiga ah iyo masuulnimada ay muujiyeen taasoo ay ku aqbaleen kuna qanceen natiijadii ay Komishanka Doorashooyinka Qaranku ka soo saareen Tartankii Doorashada Madaxtooyada ee Dalkeena ka qabsoontay 13.11.2017.”

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here