“Guushu Maaha Dagaal Qarankuna Maaha Goblan.” Faysal Xiis Afgaab

0
1021

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Guud ahaan dalka Somaliland waxaa looga dareeray 13,kii Bishan Nofember oo ahayd subax isniin ah doorashada Madaxtooyada Somaliland oo lagu soo dooranayay Madaxweynihii shanaad iyo Madaxweyne ku-xigeenkii lixaad ee dalka hoggaamin lahaa shanta sano ee soo socda waxaana u tartamay lix musharax oo ka  kala tartamayay xisbiyada qaran ee UCID,KULMIYE iyo WADDANI

Tartan olole oo muddo u soo socday asxaabta ka qaranka kadib waxaa maalintaa kor ku xusan oo dareeray dhiibashada codka uu ku soo baxayo madaxweynaha qaran ee dalka hoggaamin doona iyo xisbiga guulaysanaya ee noqon doona xisbi xaakimka Somaliland.

Markii codbixnta doorashadu soo xidhantay laba xisbi ayaa mid waliba dhankiisa guul fishay isla markaana u doonyaystay in uu noqonayo xisbi xaakimka Somaliland waa KULMIYE iyo WADDANI.

Waxaa kaloo dhacday in tirinta codadka dadku dhiibteen lagu raago oo muddo dadka dhegtu taagnaato,waxaa kaloo soo axay cabashooyin is daba joogay oo uu qabay xisbiga WADDANI oo ay komishanka u gudbiyeeen

Waxaa magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ka dhacay shaqaaqooyin kooban oo ka dhashay markii Xisbiga WADDANI uu ku dhawaaqay in uu joojiyay wada shaqayntii gudiga doorashooyinka,waa marka cadawga Somaliland uu qaatay durbaanada isla markaana uu doonay in uu soo kala dhex galo bulshada reer Somaliland isagoo isu ekaysiinaya dadka reer Somaliland oo sheegaya in xisbi la dhacay iyo in xoog lagu kala qaatay codadkii la dhiibtay.

Laakiin waxaa taa aad uga feejigan oo ka horumaray siyaasiyiinta Somaliland ee dadkooda codka waydiistay waxaanu cadawga Somalland qorsheeyay in marka lagu dhawaaqo  natiijada hordhaca ah ee doorashada Madaxtooyada Somaliland in uu dadka reer Somaliland miino dibedda laga soo abaabulay  in uu ku soo dhex tuuro oo uu yidhaahdo natiijo aan a isku waafaqsanayn ayaa lagu dhawaaqay oo xisbi hebel ayaa lagaga shubtay.

laakiin waxaa taa u quus gooyay labadii musharax Madaxweyne ee lagaga guulaystay tartanka doorashada oo si deg deg ah u aqbalay natiijada hordhaca ah isla markaana caalamka tusay in aanay Somaliland goblan ahayn oo tartanku  yahay mid dad iyo dal qudha lagu wada doonayay in lagu hoggaamiyo hadba ka guulaystaana dalka oo dhan u wada taliyo waxaa kaloo u si quus gooyay hadalkii ugu horreeyay ee uu jeediyay madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi  ee ahaa mid dalka iyo dadkaba isu keenaya oo aan xisbiyo iyo kooxo u kala qaybinayn.

Haddaba cadawga Somaliland waxaa la gudboon in ay Jamhuuriyadda Somaliland wax ka bartaan oo ay danahooga ku foofaan isla markaana ka koraan xaasidnimada iyo  dad iyo dal tashaday inay  wax u kordhaan in ay ka xumaadaan hana ogaadaan Somaliland in ay dhaaftay in cid kale isku disho oo madaxa isu geliso dhiigoodana ay daadin karto.

Guusha madaxweynaha la doortay waxay guul u wada tahay dhammaan Somaliland yar iyo weyn rag iyo dumar mucaarid iyo muxaafid waxaana laga wada midaysan yahay in Somaliland hore u socoto,dib u laabashana ma jirto

Ugu dambayn guushu maaha dagaal Somaliland’na maaha Goblan makasta oo ay cadawga qarankan jallaafooyinka la rabaa ay is yidhaahdaan imikay wax idiin suuragalayaan oo ay isku dhacayaan,ayay Somaliland ugu wanaagsan tahay waanay taqaanaa sida loogu midoobo ee la isugu kaashado danta guud iyo wada jirka qaran iyo wada ilaashiga waxa la wada leeyahay. Somalilandna maaha dal  cadawgu isku dili karo dadkeeda,waxaanan wada hambalyaynayaa lixda musharax ee  wada tartamay ee isu hanneeyay qarankana meel uga soo wada jeeda labada guulaystayna waxaan ALLE uga baryayaa in uu ku asturo xilka loo igmaday.

waxaan ku soo afmeerayaa erayo ka mid ah hees uu curiyay Abwaan sarreeye Guuto Cali Barre Xuseen oo ay qaadaan kooxda Gaashaan

 

Caqligii gundheeriyo.

Garashaa ku jeceloo.

Shacbi guusha hanashada.

Go’aan mida ka yeeshoo.

Guubaabo dhaxal gala.

Kula garab socdaa jira

Gobanimooy Gobanomooy.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here