Hargeysa(Xogsoor Media.Net):-Guddida Doorashooyinka somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada ka soo baxday doorashadii madaxtooyada ee somaliland.
Gudoomiyaha Guddida Doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo ka hadlay munaasibada ay kaga dhawaaqeen natiijada doorashada madaxtooyada ayaa taageerayaasha ugu baaqay inaanay samaynin wax dabaal deg ah oo waxyeeli kara amaanka dalka.
Gudoomiye Cabdiqaadir Iimaan Oo Sheegay Inay Doorashadii Madaxtooyada Ku Guulaysteen Murashaxiintii Xisbiga Kulmiye ee Murashaxii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Iyo Murashaxii KU Xigeenka U Ahaa Ee Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.
Xisbiga Kulmiye:- 30 5,909 cod una dhiganta 55.19%
Xisbiga Waddani:- 226,092 cod una dhiganta 40.73%
Xisbiga Ucid 23,241 cod una dhiganta 4.17%
Natiijada hordhaca ah ee Gudiga doorashooyinka Somaliland ku dhawaaqeen ayaa noqonaysa mid ay laba xisbi isku raaceen isuna hambalyeeyeen halka aanu ogolaan dhawaaqa gudiga doorashooyinka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland