Guddoomiyaha Gobolka Togdheer oo ka Hadlay shaqaaqadii Burco iyo Qasaaraha ka Dhashay

0
510

Burco(Xogsoor Media.Net):- Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax),ayaa sheegay in shaqaaqadii ka dhacday  magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer in ay sababtay qasaare qof dhimasho ah iyo 11 qof oo dhaawac ah oo ay ku jiraan 3 askari,waxaaanu intaa ku daray in maamulka gobolka Togdheer iyo  madaxdhaqameedka gobolka iyo waxgaradka buulshaduba in ay ka wada shaqaynayaan wada jirka bulshada iyo in aan dadka caadifadooda la kicin.

Wacxaanu intaa ku daray in ay imika xaaladau deggan tahay wax dhibaato ahina  aanay jirin.

Waxaanu sidaa ku sheegay guddoomiyuhu  waraysi gaar ah oo uu  khadka taleefanka ku siiyay wargayska Dawan,waxaanu yidhi. “qasaare wuu jiraa waxaana ku geeriyooday hal qof 11 ruux oo kale oo  sideed shicib yihiin sadexna askar yihiin ayaa kau dhaawacmay dhaawiciina waxaa lagu wadaynayaa cisbitaalka guud waxaanan tacsi u dirayaa ehelka marxuumka geeriyooday oon leeyahay ALLE samir iyo iimaan  ha idinka siiyo isagana ILLAAHAY ha u naxariisto,  inta dhaawacantayna waxaan ALLE uga baryayaa in uu caafiyo ,dadkana waxaan ku waaninayaa in ay nabad gelyada nagala wada shaqeeyaan oo ay is dejiyaan.”

Guddoomiyaha oo ka hadlayay siday nabad gelyada uga wada shaqaynayaan maamulka gobolka iyo madaxdhaqameedku,ayaa yidhi. “Salaadiintu dadka way la hadleen cuqaashu way la hadleen dhammaan waxgaradka gobolku nabad gelyada way isu taageen waanan ka wada shaqaynaynaa dadkuna sidii wanaagsanayd ee sharafta lahayd ee ay codkooda u dhiibteen in ay uga warsugaan natiijada gudiga doorashooyinka aanu ku waaninay imikana wax dhibaato ah oo taagani ma jirto waanan ka xunnahay maamul gobol ahaan wixii dhacay waayo gobolku nabad gelyo ayuu u baahan yahay dalkuna nabad gelyada ayuu wax ku yahay bulshada magaalda iyo madaxdhaqameedka iyo maamul ahaanba waxaanu u taaganahay in aanu dadka la hadalno oo dejino oo nabad gelyada la wada ilaashado.”

Xigasho Wargayska Dawan

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here