Manchester City ,ayaa Guul darro Sadex gool iyo hak ah u xambaarisay kooxda reer London ee Arsenal ka dib ciyaar adag oo ka tirsan horyaalka Ingiriiska oo ay caawa foodda isku dareen .
Sadex Gool oo ay u kala dhaliyeen Sergio Aguero, Kevin de Bruyne iyo Gabriel Jesus ayaa guuldaro weyn Etihad Stadium ku baday dhigooda Arsenal oo noqotay kooxdii sadexaad ee ka mid ah lixda ugu sareysa ee guuldaro kala kulanto wiilasha Pep Guardiola.
Manchester City waxey gaadhay guushii 10-aad ee Premier League xilli ciyaareedkan – waana kooxda kaliya ee aan wali la kulmin wax guuldaro ah tan iyo bilowga, 31-dhibcood ayaanay ku hogamineysaa horyaalka iyadoo 8-dhibcood ka sareysa kooxda ay isku magaalada yihiin oo ku soo xigta
Goolka keliya ee ay Gunners dhalisay waxaa shabaqa soo taabsiiyay Alexandre Lacazette oo kusoo bilowday kursiga keydka, walow markii uu soo galay uu durba saameyn yeeshay.
FURSAD: Daqiiqadii 2-aad: Raheem Sterling ayaa abuuray kubad weerar rogaal celis ah, isagoo kubadda jiiday ilaa xerada ganaaxa, wuxuu u dhiibay de Bruyne kaas oo si khiyaano ah kubadda ugu gudbiyay Sergio Aguero – balse xidiga reer Argentina kubadda goolka kuma aadin.
FURSAD: Daqiiqadii 4-aad: Arsenal ayaa si fiican isugu dhiib-dhiibtay kubadda, Bellerin iyo Iwobi ayaa kubad wadaagay ka hor inta aan lasoo dhigin diilinta ganaaxa, balse daafaca Citizens ayaa iska saaray kubad u dhaweyd Ozil.
FURSAD: Daqiiqadii 10-aad: Ciyaartoyda Gunners ayaa isku dayay iney ka faa’ideystaan qalad uu sameeyay Fernandinho, Sanchez ayaa kubad ku helay xerada ganaaxa, balse si fudud ayuu ugu gudbiyay Ozil – oo kubadda aan horay u dhaqaajin balse kubadii uu goolka aadiyay waxey aheyd daciif aan goolka ku aadin.
FURSAD: Daqiiqadii 12-aad: David Silva ayaa agaasimay weerar markii uu kubadda ku xiray – Sergio Aguero – kaas oo isna kubad si fudud ugu gudbiyay Leroy Sane oo xariiqda ku jira – balse kubadii uu soo dhaafiyay goolhaye Cech uma suuragalin inuu shabaqa ku aadiyo Sterling madama uu cadaadis kala kulmay Kolasinac. “Fursad Cajiib ah ayey aheyd!!!”
BABDAADO: Daqiiqadii 18-aad: Kevin de Bruyne ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo Citizens markii uu kubad awood badan ku tuuray goolka kadib markii uu afka hore xerada ganaaxa ka helay kubad ay iska soo difaaceen daafaca Gunners.
GOAL: Daqiiqadii 19-aad: Kevin de Bruyne ayaa hogaanka u dhiibay Citizens, markii uu kubad hal iyo labo ah la ciyaaray Fabian Delph – ka hor inta uusan si awood leh kubad joog hoose ah shabaqa Petr Cech u dhex dhigin. Cech ayaana awoodi waayay inuu badbaadiyo.
FURSAD: Daqiiqadii 33-aad: Si wadajir ah ayey Aguero iyo de Bruyne u abuureen weer fiican, balse kubadii uu David Silva soo dhaafiyay Peter Cech isagoo jooga geesta midig ee xerada ganaaxa lama helin qof goosha ku leexisa.
FURSAD: Daqiiqadi 35-aad: Ciyaartoyda City ayaa helay weerar rogaal celis ah markii uu qalad sameeyay Aaron Ramsey, De Bruyne ayaana kubad u dhiibay Sterling kaas oo kubad la orday ilaa xerada ganaaxa, balse kuma simin Leroy Sane oo taagnaa meel uu gool labaad ugu dhalin karay kooxdiisa.
HALIS: Daqiiqadii 37-aad: Laurent Koscielny ayaa ku dhawaaday inuu shabaqa ku leexiyo kubad uu dhinaca bidix ee xerada ganaaxa kasoo tuuray Kyle Walker si ay ciyaartoyda weerarka City kaga faa’ideystaan – balse Petr Cech ayaa noqday badbaadiye fiican.
BADBAADO: Daqiiqadii 45-aad: Aaron Ramsey ayaa isku dayay inuu kubad joog hoose ah daba mariyo goolhaye Ederson, balse goolhayaha reer Brazil ayaa si cajiib ah uga badbaadiyay.
Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala baxay 1-0, ay hogaanka ku heyso kooxda martida loo yahay – wiilka reer Belgium .ayeyna kaga mahad celinayaan.
Qeybta labaad ayaa la isku soo laabtay iyadoo labada kooxood aysan sameynin wax isbadal ah, waxaana dib garoonka ugu soo laabtay
RIGOORE: Daqiiqadii 49-aad: Nacho Monreal ayaa keenay rigoore markii uu riixay dhulkana ku riday Raheem Sterling, garsoore Olivier ayaana tilmaamay gool ku laad.
GOAL: Daqiiqadii 50-aad: Sergio Aguero ayaa hogaanka u dheereeyay Citizens markii uu si aan dhib laheyn u dhameystiray rigoore kooxdiisa lagu abaalmariyay – dhinac qaldan ayuuna u diray Petr Cech.
FURSAD: Daqiiqadii 56-aad: Alex Iwobi ayaa u dhawaaday inuu gool u keeno kooxdiisa markii uu kubad ku aadiyay goolka, balse waxaa si qalqal uu ku jiro u badbaadiyay Ederson.
GOAL: Daqiiqadii 64-aad: Alexandre Lacazette ayaa soo taabtay shabaqa Citizens – markii uu si awood leh kubad uga hoos bixiyay goolhaye Ederson, waxaana kubadda soo wada qaabeeyay – Alex Iwobi iyo Aaron Ramsey.
BADBAADO: Daqiiqadii 69-aad: Petr Cech ayaa inkiray kubad gool loo fishay oo ka timid Gabriel Jesus, xerada ganaaxa isagoo ku jira ayuu kubad awood leh si lama filaan ah goosha ugu aadiyay balse si aan caadi aheyn waaxaa badbaadiyay Cech.
GOAL: Daqiiqadii 74-aad: Gabriel Jesus ayaa dhaliyay gool inyar dilay rajada Gunners ee ciyaarta markii uu kubad u baahneyd in shabaqa lagu aadiyo ka helay David Silva. Inkastoo ay si weyn u cabanayeen ciyaartoyda Gunners.
Jawiga ciyaarta wuxuu noqday mid iska dagay iyadoo Gunners ay ku guuldareysatay iney dhaliso wax gool ah oo ay ku yareyso farqiga, waxeyna ciyaarta ku dhamaatay 3-1 oo ay guusha ku raacday kooxda Citizens.
Guardiola iyo wiilashiisa waxey haatan dheereysteen hogaanka horyaalka madama ay 8-dhibcood ka saramareen Man United oo goor dhaw la ciyaaareysa Chelsea kulan ka dhici doona garoonka Stamford Bridge.
Waa kooxdii sadexaad ee ka mid ah lixda kooxood ee ugu sareysa oo guuldaro kala kulmeysa Man City – waxeyna wiilasha macalinka reer Spain cagta mariyeen Chelsea, Liverpool & Arsenal