W/wararka(Xogsoor Media.Net):- Warbaahinta dowladda Sucuudiga ayaa sheegtey in amiir ka tirsan boqortooyada dalkaas iyo dhawr sarkaal oo kale inay ku dhinteen shil diyaaradeed oo ka dhacay meel u dhow xudduudda uu dalkaasi la wadaago waddanka Yaman.
Diyaaradda burburtay ayaa lagu sheegay in ay ahayd nooca qumaatiga u kaca ee helikobtarka loo yaqaan, waxaanay ku burburtay meel u dhow magaalada Abhaa ee ku taal koonfurta dalkaasi.
Amiirka shilkan diyaaradeed ku dhintay oo lagu magacaabo Maansuur Bin Muqrin ayaa ahaa ku xigeenka badhasaabka gobolka Casiir, waxaana dhalay dhaxal sugihii hore ee dalkaasi Muqrin Al-Sacuud.
Marka laga reebo wark aay tebisay warbaahinta dawladda Sucuudigu ma jiro war kale oo ka hadlaya shirka diyaaradeed iyo sababta dhalisay burburka diyaaradda,shilkan diyaaradeed ayaa isna sidoo kale wuxuu ku soo beegmay xilli ay dalka Sucuudiga ka socoto xaalad xadhig iyo xil ka qaadis ah oo ay dawladdu ku sheegtay in ay kula dagaalamayso Musuq maasuq dalkaas ka jira waxaana la xidhay tiro dad ah oo qaarkood ka tirsanayeen Xukuumadda dalka ka talisa halka kuwo halena xilka kaga qaaday qaar bandanna hantidooda la xannibay.
Sucuudiga ayaa hormuud u ah xulufo caalami ah oo dagaal kula jiro maleeshiyaadka fallaagada Xuutiyiinta ee dalka Yaman.
Milatariga dalkaasi Sucuudiga ayaa maalintii sabtiga ahayd waxa uu toogtay oo uu soo riday gantaal laga soo riday dhanka dalka deriska ay yihiin ee Yemen ee ay xuluufada uu hoggaamiya ka waddo dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland