Somaliland:Magaalo Aasantay iyo Qaylo Dhaanta Dadka Ku Dhaqan iyo Farriinta Maayer u Gurmaday

0
463

Ceel-gaal(Xogsoor Media.Net):- Tuulada Ceel-gaal ee degmada Saylac ee gobolka Selal,ayay guryaheedii aasmeen isla arkaana ay qarisay oo ay dul martay ciid bacaad ah oo dabayluhu keeneen ka dib markii deegaanka Tuuladaasi uu nadbaad guuray ee ay xaalufisay abaartii soo noq noqotay ee Somaliland ka dhacday sanadihii u dambeeyay.

Dadweynaha ku dhaqan tuulada Ceel-gaal,ayaa codsaday in gurmad qaran loo sameeyo laga badbaadiyo ciidda gurahoodii dulmartay ee qarisay isla markaana codh qaylo dhaan dheer ah u diray Xukuumadda Somaliland oo ay ka codsadeen in deg deg loogu soo gurmado oo ciidda laga badbaadiyo isla markaana dhir laga beero dhulka saxaraha noqday ee dabayl xagaagu kaga soo kacayso.

Dhinaca kale maayerka degmada Saylac oo gurmad ugu diray cafagtii degmada Saylac,ayaa dhankiisa isna baaq qaylo dhaan ah dira,haddaba halkan ka daawo warkaas oo dhammaystiran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here