Puntland oo ku Hanjabtay Dagaal ka Dhan ah Doorashada Madaxtooyada iyo Jawaabta Somaliland

0
442

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland,ayaa ku hanjabay dagaal ka dhan ah doorashada madaxtooyada Somaliland oo uu sheegay in ay faro galin ku tahay maamulkooda oo dhul uu ka taliyo ay sheegeen in ay Somaliland doonayso in ay doorashada madaxtooyada si qasab ha kaga qabtaan.

Wasiirro ka tirsan Puntland oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe Xarunta maamul Goboleedkaas ayay ku sheegeen in aanay u dulqaadan doonin faro galin ku tahay deegaano ka tirsan obolada Sanaag,Sool iyo Buuhoodle oo ay sheegato Puntland in ay leedahay.

Dhinaca kale Xukuumadda Somaliland,ayaa jawaab adag ka bixisay hadalka ka soo yeedhay wasiirada Puntland isla markaana uga digtay in ay isku dayaan in ay soo faro geliyaan arrimaha Somaliland.

Wasiirudawlaha Caafimaadka Somaliland, oo fagaare uu kala hadlayay maalinta shanaad ee xisbiga KULMIYE ololaha doorashada taageerayaasha Xisbiga KULMIYE,ayaa ka jawaabay dhawaaqa Puntland isla markaana eedo u jeediyay Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.

Haddaba halkan hoose ka daaw labada war muuqaaladooda oo is hoos yaalla

 

Muuqaalka Wasiirudawlaha caafimaadka Somaliland isna halkan ka daawo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here