Boorama(Xogsoor Media.Net):- Culimada gobolka Awdal,ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Boorama ka soo saaray qodobo dhawr ah oo quseeya ololaha asxaabta qaranka iyo arrimaha doorashooyinka.
Waxaa kaloo ay Xukuumadda Somaliland ugu baaqeen in ay gacan buuxda ku qabato ammaanka dalka isla markaana ka hor tagto wax kasta oo nabad gelyada dhaawici kara,waxaanay sidoo kale usoo jeediyeen madaxdhaqameedka reer Somaliland in ay ka waantoobaan ololaha xisbiyada oo ay sheegeen in madaxdhaqeed badani si qabiil ah ugu jiraan olole xisbi taasoo ay sheegeen in ay abuurayso in arrimaha doorashooyinka loo galo qaab qabiilaysan.
Waxaa kaloo ay farriimo o kala direen gudiga doorashooyinka iyo waxgaradka bulshada.
Haddaba halkan ka daawo kulan saxaafadeedka ay qabteen culimada waawayn ee gobolka Awdal.